Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta Xildhibaanada u jeediyey khudbad 10 daqiiqo socotay ayaa Xildhibaanada ugu baaqay iney deg deg ku ansixiyaan Heshiiskii Doorashada ee Garowe 2016.
Madaxweynaha ayaa ku baaqay in wixii tabasho ah ee ka baxsan qodobada heshiiska in dib loo dhigto wakhtiguna gabaabsi yahay sidaas awgeed ay Xildhibaanadu gutaan waajibaadkooda qaran ayna ansixiyaan heshiiska sida uu yahayna ay ku meel mariyaan.
Madaxweynuhu wuxuu ka digey in Beesha Caalamku soo fara galiso isagoo sheegey in hadii Garowe 2016 la ansixin waayo ay abuuri doonto cawaaqiib xumo iyo in Beesha Caalamku inoo taliso.
Khudbada kadib wuxuu Madsxweynaha iyo Raysal wasaaruhu ay kulan gaara la galeen Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Digil iyo mirifle, Walina ma jirto wax kulankaas kasoo baxay.
Kulanka aan caadiga ahayn ee maanta ay isugu yimaadeen Xildhibaanadu waxaa looga doodayay oo lagu meelmarinayaa Heshiiskii Garowe ee Garowe 2016.
Waxaana lagu wadaa in Xildhibaanadu ay goor dhow u codeeyaan Garowe 2016.
Puntlandi.com
Muqdisho