Jaaliyadaha Scandinavianka iyo Finland ee Reer Puntland ayaa u istaagay iney ka qayb qaataan difaaca iyo horumarinta Puntland iyagoo si taasi u suura gasho marka hore bilaabay in Jaaliyaha dhexdooda la turxaan bixiyo, Wadan wadan.
Jaaliyada Puntland ee Denmark oo iyagu howshaan bilaabay ayaa ku guuleystay iney mideeyaan Jaaliyada sanad iyo bar ka hor, Gudoomiyaha Jaaliyada Siciid Daahir dhimbil ayaa Safaro wuxuu ku aadey Norway iyo Sweden halkasoo uu uga qayb galay kulamadii Jaaliyadaha wadamadaas ay iyana yeelanayeen.
Kulamada Jaaliyadaha Denmark, Sweden iyo Norway ayaa ahaa kuwo kusoo dhamaadey guul iyo in la mideeyo lana turxaan bixiyo Jaaliyadaha wadan kasta.
“Ololaha kowaad ee hada ay Wadaan Jaaliyaduhu waa sidii loo daryeeli lahaa Agoonta Ciidanka Difaaca Puntland, Waxaan kaashaneynaa oo isna Jaaliyadaha lasoo hadley Taliyaha Ciidanka Puntland Jen.Saciid dheere iyo Masuuliyiin kale” waxaa sidaas yiri Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark Saciid Daahir Dhimbil oo iminka ku sugan Dalka Sweden.
Wuxuu kaloo yiri “waxaan ugu baaqaynaa hadaan nahay Reer Denmark, Sweden iyo Norway in jaaliyadaha reer puntland ee ku nool qaarada yurub ay iyana u midoobaan dhamaynta khilaafadka dhexdooda si loohelo cudud midaysan iyo iskaashi dhexmara markaa kadibna laysbarbar taago dalkii iyo dadkii, wax qabad muuqdana looga geysan lahaa,
Jaaliyada Norway oo in mudo kukala qaybsaneyd ayaa todobaadkii hore waxay ku guuleysteen iney dhameeyaan khilaafaadkii ayna sameysteen hogaan ay ku mideysan yihiin, Sweden iyana waxaa ka socda olole xoogan oo noocaas ah.
Jaaliyada Denmark ayaa iyadu horey guulo uga gaartey dhameynta khilaafaadka, Waxayna Sweden iyo Norway u direen Gudoomiye Saciid Daahir si uu ula wadaagaan wixii khibrad ah.
Waxaa xusid mudan in Jaaliyada Denmark ay noqotay 2015 iyo 2016 jaaliyada ugu waxtarka badan Dalkii, Jaaliyadu waxay Agab Conto oo gaaraya 7000 gasac oo malay ah iyo 4900 kg oo timir ah ay wakhti yar ku gaarsiiyeen Ciidankii difaacay Suuj iyo Garacad xili Dagaalku uu socdo, Wakhti yar ka dib waxay ka jawaabeen gargaarkii abaaraha oo ay lacag u direen, Hada waxay hayaan ku dhowaad 30,000 USD oo loogu talagalay Mashruuc lagu daryeeli doono agoomaha Ciidanka difaaca Puntland oo hada howshiisu socoto, oo ay jaaliyad ahaan qaybtoodii hayaan.
Mashruucaan waa loo gudbiyey Sweden iyo Norway, Jaaliyadaha kale ee Aduunkana dhowaan ayaa loosoo gudbin doona sida uu puntlandi u sheegey Sargaal ka tirsan Taliska Difaaca Puntland.
Puntlandi.com
Stocholm
Sweden@puntlandi.com
.