Cagajiidka in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyo heshiiskii Garowe ayaa lagu eedeeyey in Hogaanka Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Xildhibaanada ay ka dambeeyaan, laakiin sida xubno ka mid ah beesha caalamku sheegeen, Xaqiiqdu sidaas ma ahan, sida Puntlandi Xogta ku hayso, waxaa heshiiska in la ansixiyo ka caga jiidayay Villa Soomaaliya ,iyagoo isku dayay in laga taqaluso aqalka sare iyo in ay Xildhibaanada cusub ee 2016-2020 ay soo xulaan Isimo gacan ku rimis ah.
Kulamo qarsoodi ahaa oo maalmahaan socdey, ayna qayb ka ahaayeen Beesha Caalamka oo iyagu fahamsanaa halka caga jiidku ka jiro iyo Dowlada Itoobiya oo damiin buuxda ka ahayd heshiiskii Garowe, ayaa culeys badan ku saaray Madaxweyne Xasan Sheekh inuu joojiyo carqalada uu ku hayo in Baarlamaanku ansixiyo, oo meel mariyo heshiiskii Garowe ugu dambeyn jimcaaha 20 maajo.
Nuqul Been abuuraha oo Barlamaanka loo gudbiyey.
Baarintaan ay sameeyeen xubno ka mid ah beesha caalamka ayaa lagu ogaaday in nuqul been abuur ah oo aan aheyn midkii heshiiskii lagu gaaray Garoowe iyo shirkii madasha watashiga Qaranka khilaafsan loo gubiyey Barlamaanka Federaalka Somaaliyeed.
Nuqulkaa been abuurka ah ayaa ka soo baxay xarunta Madaxtooyada,iyadoo la soo mariyey,oo lagu soo raad gatay,xafiiska Raisal Wasaaraha.
Xubin ka tirsan Barlamaanka Federaalka ah ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay,in ansixinta heshiiska waxa dib u dhigay ay tahay muran iyo shaki ka dhashay nuqulka been abuurka ah ee loo soo gudbiyey oo aad uga duwanaa midkii rasmiga ahaa ee hore warbaahinta loogu daabacay,arintaas oo keentay in xubnaha Baarlamaanku kalsooni xumo iyo tuhun weyn ka qaadaan daacadnimo xumada ka jirta hogaanka ugu sareeya dalka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in cidii ku tuhuntay in Barlamaanku caga jiid wado,oo ay ugu horeyso dawlada Puntland in ay yihiin dad is-yeel yeelaya iyo dad aan waxba ka warqabin,waayo talada dalka oo dhan waxaa maroorsaday Madaxweyne Xasan Sheekh,isagaana wuxuu doona diida,waxa u shakhsiyan u rabana aan ka xishoon,oo weliba 10 habeen Dhuuso mareeb u seexda.
Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in xafiiska Raisal Wasaaruhuna uu ka maqaam liito midkii wakhtigii kacaanka ee sannadkii 1990 kii uu madxada ka ahaa Raisal Wasaare Maxamed Xawaadle Madar
Wararka warsidaha Puntlandi helay baa waxay sheegayaan in lagu heshiiyey in Baarlamaanku uu meel mariyo Qodobadaan soo socda iyo heshiiskii Garowe
1- In Aqalka sare lasoo dhiso intaan la dooran Madaxweynaha laakiin Aqalka hoose(Baarlamaanka) lasoo dhiso marka hore
Heshiiska Garowe waxaa ku qoraa in Aqalka sare lasoo hor mariyo.
2- in Xildhibaanada cusub ay soo doortaan 30 Ergo iyo Isinka rees, Heshiiskii Garowe wuxuu dhigayay in Xildhibaanka aysoo doortaan 50 Ergo.
3-In Isimada Wax soo dooranaya ay ahaadaan kuwa soo jireenka ah(130 Isin), Hadii uu jiro Isin dhintey oo aan wali la caleema saarin kii badali lahaa, waa in Beeshiisu ay xor u noqoto soo magacaabida isinkaas, ayna siyaasiyiintu faraha kala baxaan, heshiiskii Garowe qodobkaan isla sidaan ayuu ahaa, Qodobkaan Xildhibaano gacan saar la leh Villa Soomaaliya ayaa u ololaynayay in wax laga badalo si ay boos u helaan Isimo gacan ku rimis ah.
4-In doorashadu ay ka dhacdo meel amaankeedu sugan yahay, Waxaa jira Xildhibaano soo jeediyey n Doorashada ay amaankeeda masuul ka noqoto Itoobiya, halka qaar soo jeediyeen in Amisom ay ilaaliso, lakiin aakhisrkii waxaa la isla meel dhigey in doorashada lagu qabto meel amaankeedu uu sugan yahay,lakiin ay dusha ka ilaaliso Dowlada Itoobiya.
Sida Puntlandi xogta ku heleen Baarlamaanku qodobadaan wuxuu ansixin doonaa maalmaha soo socda.
Puntlandi.com
Nairobi