Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Olole cusub oo Xamar ka socda “Madaxweyne Xasan oo kasoo horjeeda dhismaha Aqalka sare

$
0
0

Hasan SheikhSida ay Howlwadeenada Puntlandi Warar hoose ku heleen waxaa Muqdisho ka socda olole cusub oo lagu wiiqayo dhamaan heshiisyadii Madasha wadatashiga iyo sidoo kale heshiisaydii qaran ee Garoowe lagu gaaray,siiba iyadoo la bilaabay diidmada dhismaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheikh ayaa wada Qorshe uu doonayo inaan la dhisin Aqalka Sare, oo la sameeyo oo qura Aqalka hoose(Baarlamaanka).

Madaxweynaha iyo Dhalinyarada Villa Soomaaliya ayaa Wada ololahaan.

Kooxaha Villa Soomaaliya ayaa u arka Aqalka Sare mid caqabad ku noqon doona ololohooda Doorashada Madaxweynanimada Soomaaliya, Waxayna hada geed udheer u fuulayaan sidii dib loogu dhigi lahaa dhismaha Aqalka Sare iyagoo wada Qorshe ay leeyihiin Aqalka Sare waxaa dhisi doona Xukuumada cusub ee dhalan doonta.

Warkaan oo Puntlandi ka helay illo aad ugu dhow Villa Soomaaliya waxay kaloo Sheegayaan in Madaxweyne Xasan uu codsi ku aadan dib u dhiga Aqalka sare uu u diray Qaar kamid ah Beesha Caalamka.

Waxaa si cad u muuqata inuu jiro qorshe cagajiid ah iyo khiyaamo qaran oo looga soo horjeedo in doorsho xor oo xaalaal ahi wakhtigeedii ku dhacdo.

Waxaa sidoo kale muuqata in ay isku milmeen, oo isku dan yihiin, islana shaqeysanyaan dawladii federaalka aheyd iyo maamuladii dalka ka jiray oo ay mida Puntland u horeyso..

Ilaa iyo hadda oo mudo aad u yar oo koobani ka hartay wakhtigii loo mudeeyey in doorashooyinku dhacaan,ayaa waxaan muuqan wax talaabo ah oo loo qaaday u diyaar garoowga xiligaa adag, waxaa si cad oo la isla ogyahay wakhtiga loogu luminayaa safaro macno daran,tamashle iyo dalxiis.

Waxaa meesha ka maqan dhismaha hay’adahii udub dhaxaadka u noqon lahaa in ay dalka ka dhacdo doorasho xor oo xalaal ah.

Waxaan loo dhaqaaqin weli dhismihii maxkamada dastuuriga aheyd,ee kala saari laheyd muranada ka dhasha doorashada,sidoo kale ma jiro gudidii adeega cadaalada,ilaa hadda lama dhisin gudidii madaxbanaanaa ee doorashooyinka, waxaa sidoo kale dib u dhacay shirkii dib u eegida dastuurka dalka ee lagu balansanaa in usbuucan uu ka dhaco magaalada Garoowe.

Ka dar oo dibi dhal waxaa noqtay iyadoo intaas oo baahi iyo qabyo hay’adii sharciga ahaa ka jirto,ayuu madaxweyne Xasan Sheekh isagoo shakhsiyan u daneysanya waxuu baal maray oo xadgudub cad ku sameeyey dastuurkii dalka,isagoo si sharci daro ah ku cayriyey gudoomihii maxkamada sare mudane Ilkaxanaf,isla markaana uu ku magacaabay midkii isaga doorashooyinka u boobi lahaa oo ah mid qeyrul damiir ah,oo habeen madow ka soo dhuuntay ummadisii xilka u dhiibtay ee reer Hargeysa,isagoo aaminsan Xamar baa lacag badan oo xaaran ah laga tabcadaa.

Isku soo duubo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul-jadiid waxaa u qorsheysan boob,dhac,jujuub iyo xoog in ay talada dalka mar kale ku marootsadaan.

Waxaa sidoo kale nasiib daro ah in aanu ilaa hadda jirin cod ama cudud mideysan oo soomalinimo oo  ka hortimaada isbaheysigaa iyo guurkaa xaaranta ah ee u dhaxeeya madaxada sare ee dawlada federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada dalja ka jira.

Xogtaan Xuquudeeda waxaa leh Puntlandi.com

Puntlandi.com
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles