Madaxwweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud ayaa Xalayfiidkii (Talaado 10 sep.) gaaray Dubai, halkaasoo ay kusoo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan maamulka Emaaraatka Carabta, Waxaa Madaxweynaha weheliya Wasiirka Arimaha dibada DF Fowsiya Yusuf Xaaji iyo Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan.
Madaxweyanaha ayaa maanta oo arbaco ah abaaraha kowda duhurnimo saacada Dubai wuxuu khudbad ka jeedin doonaa shirka ladagaalanka Burcad Badeedka (3rd Dubai International Counter-Piracy Conference)oo Dubai ka socon doona ilaa khamiista.
Waxaa iyana horey u joogay Wafdi ka socda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed oo iyana shirka ka qayb gali doona.
Waxaa shirkaan isna jooga Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey u xilsaartey Arimaha Soomaaliya Amb.Nicholas Kay.
Puntlandi.com
Dubai