Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Apple oo markii ugu horreysay daaha ka rogtay labo Iphone (Warbixin buuxda)

$
0
0

Shirkadda Apple ayaa markii ugu horreysay ee taariikhdeeda daaha ka rogtay labo Mobilelada Iphones-ka loo yaqaan oo is garab socda, iyadoo sidoo kalena bulshada usii daysay Systemkeeda cusub ee iOS 7.

Hoolka weyn ee Cupertino oo ka mida hoyga ay Shirkadda Apple ku leedahay magaalada san francisco ee Waddanka Maraykanka ayey ka dhacday xafladdaan oo ay kasoo qayb galeen Kumanaan kun oo qof.

Sidii horeyba loo filayey Apple ayaa daaha ka rogtay labo taleefoon oo xagga tayada, xagga technoligyga iyo xagga qaymahaba ku kala duwan.

Iphone 5s

Iphone 5s waa nooca sarreeya ama qaalisan labadaan Mobile ee ay shirkaddu soo saartay, waxaana uu ku imaanayaa Markii ugu horreysay midabka Dahabiga (Gold), Madow aan tiq ahayn (Darker) iyo Caddeys (Silver)

wuxuu muuqa iyo joogaba ka le’egyahay 100% Iphone 5 kii hore, muuqaalka koowaad waxa kaliya oo uu uga duwanyahay waa home button-ka wareegsan oo ay maran Apple ku xirtay technology akhrin kara cabbirka fartaada (Fingerprint), waxaa kale oo uu Iphone 5s leeyahay dual flash ama layrka yar ee camerada iftiinka siiya xilliga mugdiga ah oo labo xabbo laga dhigay halkii uu hal xabbo oo kale ah ka ahaa Iphone 5.

Marka laga tago isu ekaanshaha korka ah ee Iphone 5s iyo Iphone 5-kii hore, Iphone-ka cusub waxaa ku xiran processor cusub oo noociisu yahay A7 Chip, waxayna Apple sheegaysaa inuu ugu yaraan 5 jeer ka xawaare badanyahay Iphonenkii hore.

Inkastoo Camerada Iphone 5s ay weli 8 mega pixels tahay, haddana Apple waxay noo sheegtay inay kordhisay sensors ka camerada, taasoo hagaajinaysa tayada Camerada Iphone 5s.

Iphone 5C
Iphone 5C waa nooc cusub oo isagu ka jaban kana tayo hooseeya Iphone 5s. Waa rama ama plastic kusoo xasuusinaya Iphonekii ugu horreeyey ee ay Shirkaddu soo saartay, wuxuu ku imaanayaa colors badan, sida Buluug, caddaa, madow, guduud iyo cagaarba. Processorka, Camerada iyo screenkaba waxay isaga mid yihiin Iphone 5 kii hore. Waxaana la gadayaa kala bar qaymaha Iphone 5s ka lagu bixinayo, dabcan waa contract markii la sa xiixayo.

Iphone5c


iOS 7
Systemka cusub oo ay aadalaha Mobilada ah ee Iphone ku shaqayndoonaan maanta laga bilaabo waa iOS7, waa system aad uga duwan kana sarreeya kii hore, tusaale ahaan adoo text message qoranaya ayaad internet browserkana isticmaali kartaa, adoo game ciyaaraya ayaad qof waxyaalo kale samayn kartaa adigoon lumin ama ka tagin wixii aad horey u samaynaysay (Multitasking), arrimahaas oo systemka Shirkadda Apple awal aad ugu cuslaa, halka ay Google android haystay.

Isku soo xooriyoo Labada taleefoon ee Apple soo saartay ayaa la filayaa in 18ka bishaan lagu gadi doono in ka badan 200 oo waddan oo adduunka ka mida, waxaa kaloo xusid mudan inay shirkaddu meesha ka tuurtay oo la joojiyey soo saariddii Mobile-keedii hore ee Iphone 5, booskiisiina uu galayo mobileka raqiiska ah ee Iphone 5c oo ay shirkaddu sheegtay inay ugu tala gashay dadka danyarta ah oo aan gadan karin Mobile ka Iphone 5ska. Usbuucyada iyo bilaha soo socda ayeyna caddaan doontaa sida ay shirkadda Apple u beec gayso taleefoonadeeda, iyo weliba kan ku adkaan doona dagaalka ka dhexeeya iyada iyo samsung.

Bishar Abdirizak Abdi

facebook.com/bishaarcc

Seattle, Washington.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles