img src=”http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2015/02/Abdi-warsame.jpg” alt=”Abdi warsame” width=”206″ height=”312″ class=”alignleft size-full wp-image-170158″ />Minneapolis: Gudoomiyaha degmada 6-aad ee magaalada Minneapolis, mudane Abdi Warsame ayaa maalgeliyey mashruucyo wacyi-galin ah looguna talagalay xanuunka Autismka ee faraha ba’an ku haya caruurta Soomaaliyeed. Xafiiska Degmada 6-aad ee Minneapolis ayaa taageero siin doona Hay’ada (Somali Autims Parent Network). Wuxuu kale oo gudoomiyuhu maal-galin doona barnaamijyo kale oo wacyi-galin ah lana xiriirta xanuunkaasi.
Autism ayaa ah cudur kala dhantaala koritaanka maskaxda caruurta. Horaantii sanadkii 2015 ayay Jaamacadda University of Minnesota samaysay cilmi-baaris ay ku qeexday xanuunka Autismka in uu si xad dhaaf ugu badan yahay caruurta Somaaliyeed ee ku dhasha gobolka Minnesota. Cilmi baaristaasu waxay cadaysay in 32-dii caruur Somaaliyeed ee ku dhasha gobolka Minnesota mid ka amid ahi ku dhasho xanuunka Autismka. Tiradani aad bay naxdin u leedahay marka la barbar-dhigo guud ahaan dalka Mareekanka oo 88-dii caruur ee uu mid ka mid ahi ku dhasho xanuunka Autismka.
“Waxaa I wel-wel galisay natiijada daraasaadkaan Jaamacadu samaysay,” ayuu yiri Mudane Abdi Warsame. “Waxaan ka shaqeeye in dhaqaale loo qoondeeyo xanuunkaan, si garab loo siiyo waalidiinta Somaaliyeed ee caruurtoodu la tacaalaysa Autismka,” ayuu ku daray Mudane Abdi Warsame.
Mudane Abdi Warsame ayaa sidoo kale horgayn doono golaha degaanka Jimcada inagusoo foodleh (04/15/2016) qaraar Magaalada Minneapolis ay ku aqoonsanayso dhibaatada xanuunkaan sida gaarka ah Somaalida ugu hayo islamarkaana faraysa shaqaalaha Magaalada in ay la yimaadaan qorshe lagu caawiyo waalidiinta Somaaliyeed.
Xafiiska Demada 6’aad ee Minneapolis ayaa kaashan doono ururka Waalidiinta Somali Parent Autism Network oo qorshaynayo munaasabad looga hadli doono xanuunkaan iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan waa’lidiinta Somaaliyeed.
Xilliga: 04/15/2016 5:00 – 10:00pm
Goobta: Center for Changing Lives: 2400 Park Avenue South, Minneapolis.
Jama Bulhan
Ward 6 Intern
Minneapolis City Council – 6th Ward
Jama.Bulhan@minneapolismn.gov