Shirkii maanta oo Axada uga furmay Muqdisho Hogaamiyayaasha ugu sareeya Siyaasada Soomaaliya ayaa wajigiisii maanta uu markii hore wuxuu ku bilowdey jawi adag laakiin aakhirkii wuxuu kusoo dhamaaday is afgarad buuxa.
Sida ay howlwadeenada Puntlandi ay xogta buuxda ku heleen Ajandaha aadka looga dooday maanta wuxuu ahaa habka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub iyo Gudiyada Doorashada.
Qodobka kowaad ee Habka loosoo xulayo Xildhibaanada.
Waxaa la isku afgartay in maadaama la qaatay nidaamka 4.5 ay macneheedu yahay in loo wada hadlo oo wax lagu saleeyo hab qabiileed kasoo Lagusoo xulayo Xildhibaanada, Sidaas awgeed waxaa miiska lasoo saarey oo si qodo dheer looga dooday Qabiilada Soomaaliyeed sidii ay usoo xuli lahaayeen Xildhibaanada.
Dood dheer kadib Waxay Masuuliyiinta Madasha isugu yimid ay ku heshiiyeen in Shan goobood lagusoo diyaariyo Xildhibaanada.
1 iyo 2. Garowe iyo Kismaayo waxaa lagusoo xulayaa Xildhibaanada Daarood.
3- Baydhabo waxaa lagusoo xulayaa Xildhibaanada Digik iyo Mirfle.
4- Xildhibaanada Hawiye waxaa lagusoo xulayaa Magaalo kamid ah sadexdaan Magaako, Cadaado, Jowhar ama Baladweyne, shirarka dambe ayaa lagusoo bandhigayaa sadexdaan Magaalada tan loo qoondeeyey inay Hawiye kusoo xushaan Xildhibaanadooda.
5– Xildhibaanada Dir iyo Xildhibaanada Beesha Shanaad(0.5) isku hal magaalo ayaa lagusoo xulayaa, muran ayaa markii hore ka dhashay Magaalada ay kusoo xulanayaan, Waxaa mar talo ahaan miiska loo keeney Muqdisho iyo Garowe midkood, Laakiin Aakhirkii waxaa la go’aansadey in Odoyaashooda lala tashado oo labafaan Magaalada ay mid doortaan lagu taageero tay doortaan.
Gudiyada Doorashada ayaa iyana isfahan laga gaaray qaabka loo sameynayo, waxaana la isku raacay in laga bilaabo maanta lakala diray Gudiyadii ay Dowlada Federaalku horey u magacawdey kuwasoo muran badan uu ka taagnaa, waxaa kaloo meel la isla dhigay Qaabka loo dhisayo Gudiga cusub ee Doorashada 2016ka.
Gudiga Doorashada:-
Waxaa la isku raacay in la dhiso laba Gudi Doorasho oo kala sareeya, qaabka loo dhisayo Waa la isku waafaqay.
Odoyaasha soo xulaya Xildhibaanada
Ajandahaan oo muhiimadiisa leh waxaa dib loogu dhigtay Beri oo isniin ah in ay Masuuliyiintu isla meel dhigaan laakiin sida Puntlandi Xogta ku hayo waxaa si guud la isugu waafaqsan yahay iney noqdaan Odoyaasha soo xulaya Xildhibaanada cusub Odoyaashii 2012-ka soo xulay Xildhibaanada hada jooga, laakiin waxaa beri oo isniin ah (11.04.2016) laga wada hadlayaa su’aalo dhowra oo kasoo noqdey Odayaashii soo xulay Xildhibaanada 2012kii, Su’aalahaas waxaa ka mid ah
1- Ugu yaraan 20 ayaa geeriyoodey Odoyaashii soo xulay Xildhibaanada Doorashadii kal hore(2012)
2-Odoyaashaas qaarkoodna waxaa lagayaabaa iney howlgab noqdeen
Su’aalahaan sidii lagu maarayn lahaa ayaa Masuuliyiintu ay beri isla meel dhigayaan.
Puntlandi.com kala soco wararka rasmiga ah ee Shirka Muqdisho uga socda Masuuliyiinta ugu sareeyaya Ugu sareeya Siyaasada Soomaaliya oo ay kaga arinsanayaan Doorashada Ogoosti 2016.
Puntlandi.com
Muqdisho
www.puntlandi.com.