Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING NEWS—Shirkii Madasha Qaran ee Saaka ka furmay Muqdisho oo muran ka taagan yahay dhismaha Gudiyada Doorashada

$
0
0

breaking-nes-150x63 (1)Saaka waxaa Muqdisho ka furmay shirkii Madasha Qaran ee looga arinsanayo u diyaargarowga Doorashada bisha Ogoosto.

Sida Puntlandi warar hoose ku helay, Guddiyadii hore ee Farsamada oo maalmahaan ku mashquulsanaa soo diyaarinta qorshaha Doorashada ayaa Qorshihii ay soo diyaariyeen iyagoo tixraacaya heshiisyadii ugu dambeeyey ee Garowe lagu saxiixay,ayaa waxaa ka hor yimid Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku andacooday in Dowlada Federaalku ay iyadu yeelato awooda ugu sareysa ee dhismaha Guddiyadada Doorashada iyo qaabka loo galayo doorashada.

Dhinaca kalena saaka shirku markuu furmay ayaa Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirshiid oo ku hadlay Magaca Dowlada Federaalka ayaa shirka ka yiri “Dhismaha Gudiyada iyo soo dajinta qaab dhismeedka habka loo marayo doorashada waa in looga dambeeyaa Dowlada Federaalka”.

Madaxweyne Gaas ayaa isna ku khudbeeyey in aysan cidna diidaneyn in Dowlada looga dambeeyo LAAKIIN wax aan isku darsaney oo qolo walba ka dhex muuqato waxna ka ogtahay waxaan ahayn meesha isuguma aynaan imaan ayuu yiri Gaas.

Sida Puntlandi xogta ku hayo Madaxweyne Xasan , Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Guddoomiye Jawaari oo wada socdaa waxay ka Mideysan yihiin in la yareeyo awooda ay Maamul Goboleedyadu ku yeelanayaan dhismaha Guddiyada Doorashada iyo qaabka doorashadaba.

Hada waxaa shir gaara u socdaa Masuuliyiinta sar sare oo oo kaliya,waxaana hawlwadeenada Puntlandi ay ku hawlan yihiin sidii aad u heli lahaydeen Wararkii ugu dambeeyay.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles