Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wadahadaldii Garoowe oo aan ilaa hadda wax natiijo laga gaarin iyo wiilkii kibirka badnaa ee M.Keating ( Mr.4.5 )oo beri Garoowe 4.5 kaliya la iman doona

$
0
0

2016210635906946033110894Danjiraha_QM_ee_Somalia_Puntland_660
Wakiilka qaranda midoobay M.Keating

Wararka ay howlwadeenada Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in aan ilaa hada wax natiijo ah laga gaarin Wadahadaladii ka socdey Garowe.

Illo ku dhow wadahadalada waxay Puntlandi u sheegeen in aan wali wax natiijo ah aysan jirin.

Beri waxaa Garowe kusoo wajahan Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo deegaanada Puntland looga yaqaan Mr. 4.5 iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Ujeedka Safarkooda ayaa qayb sidii caadaadis iyo culeys xaq daro ah u saari lahaayeen shacbiga iyo xukuumada Puntland,iyagoo u adeegay damaca waalida ah iyo dulmiga kooxada Damuljadiid ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay ku afduubayaan masiiraka iyo mutaqbalka shacbiga Somaaliyeed iyo midka Puntland,iyagoo ku adeeganya nidaamka xaaranta ah ee 4.5.

Sidoo kale safarka beri uu ku imaanayo wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay Mr.4.5 ee magaalada Garoowe ayaa ku soo aaday wakhti uu aad uga gaabiyey inuu shacabiga iyo xukuumada Puntland ku taageero,xag siyaasadeed iyo mid moral ah ba dagaalka ay kula jirto kooxaha isbahaysiga argagixisada ee ku soo duulay cariga Puntland.

Wakiilka qaramada midoobay Micheal Keating oo ku cusub siyaasada Somalia ayaa safarkiisu noqonayaa midkii labaad ee uu mudo laba bilood gudahooda ku yimaado Puntland,iyadoo nasiib wanaag safarkan safarkii ka kii ka horeeyey uu dhirbaaxo iyo cashar taariikha ay u dhigeen shacbiga,isimada iyo xukuumada Puntland oo mideysan,kadib markii talaabooyin iyo hadalo aflagaadooyin ah oo uu ku taageerayo damac Xasan Sheekh ee 4.5 uu u geystay shacbiga iyo xukuumada Puntland.

Micheal Keating oo ah shakhsi ay ka muuqato kibir iyo deg deg badan oo siyaasadeed,isla markaana aan wax ixtiraam ah u haynin rabitaanka shacbiga Puntland ay ku diideen nidaamka 4.5, aaa sidoo kalena aan dhex dhexaad ka aheyn mashaakilada murugsan ee ka jira dalka,ayaa mar kale ku fashilmi doona Magaalada Garoowe, haddii uu mar kale shacbiga Puntland ula tago dhaqanadiisii hore ee jar iska xoornimada ahaa.

Sidoo kale wadahadaladii ugu dambeyey ee Xalay ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Puntland ayaa waxay ku dhamaadeen natiijo la’aan.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles