War ka soo baxay Wasaarada Gaashandhiga ee Marykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Marykanku duqeyn xagga cirka ah ku dileen hogaamiyihii sirdoonka kooxada Al shabaab Xasan Cali Dhoore, oo lagu eedeyey inuu masuul ka ahaa weeraro argagaxiso oo lagu dilay muwaadiniin Mareykan ah iyo kuwo Soomaliyeedba leh oo uu ku jiro weerarkii 27.March.2015 lagu qaaday Hotel Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho ee ay ku geeriyoodeen dad ka badan 18 qof,oo uu ku jiray Safiirkii Soomalida ee dalka Switzerland Mudane Yusuf Maxamed Ismaciil ( Bari Bari)
Afhayeenka Gaashandhiga Mareykanka Peter Cook ayaa sheegay in Xasan Cali Dhoore uu ka mid ahaa hogaamiyaauasha sar sare ee kooxda Alshabaab,isla markaana ku xirnaan kooxda aragagixisada ah ee Al Qaacida.
Peter Cook ayaa sidoo kale sheegay in dilka iyo duqeynta Xasan Cali Dhoore ay ka dhacday meel 20 mile u jirta magaalada Jilib ee Jubbaland,wakhtigaas oo uu saarnaa baabuurkiisa,oo ay ku weheliyeen laba xubnood oo kale oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.
Dawlada Mareykanka ayaa ku tuhunsaneyd madax sirdoonka kooxda Al shabaab Xasan Xali Dhoore inuu soo maleegay oo uu masuul ka ahaa weererkii 25.Dec.2014 lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Aden Cade,weerarkaas oo lagu dilay askar ka tirsan ciidamada Amisom, iyo sidoo kale sarkaal Mareykan ah oo hawl gab ahaa oo lagu magacaabi jiray Brett
Fredericks,kaas oo hore uga tirsanaan jiray ciidanka qarsoon ee Mareykanka ee loo yaqaan Delta Force,oo wakhtigaas dilkiisu dhacay u shaqeynaayey Shirkada Bencroft oo tababaro siisa ciidamada Amison ee dagaalka kula jira kooxda Al Shabaab
Afahayeenka Gaashandhiga Mareykanka ayaa rumeysan in dilka hogaamiyaha Sirdoonka Al Shabaab uu wiiqi doono awoodii iyo kartidii kooxada Al Shabaab ay ku maleegi jireen weerarada ay u geysantaan dawlada Federaalka ah ee Somalia iyo danaha dawlada Mareykanka ee gobolka geeska Africa.
Puntlandi.com