Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland oo la shiray U qaybsanaha arrimaha Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ingriiska iyo Waraysi uu siiyey Idaaco ku taal Finland (Sawiro+Cod)

$
0
0

Deeq
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland oo beryahan booqasho rasmi ah ku joogay magaaladda London ee cariga UK ayaa  wuxuu xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Ingriiska kula shiray U qaybsanaha arrimaha Africa ee Wasaaradaasi Mr. Daniel Fearn iyo Haweey Claudia Garland oo ah u qaybsanaha arrimaha Somalia iyadoo uu Agaasimaha Guud warbixin ka siiyey horumarka kala duwan  ee ay Dowlada Puntland ku taalabsatay, arrimaha nabadgelyadda gaar ahaan howlgaladda iminka dalka ka socda, arrimaha doorashooyinka, deeqaha lasiiyo dowladda Puntland  iyo guud ahaan xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Boqortooyadda UK.

Dhankiisa Mr Daniel Fearn ayaa soo dhoweeyey Agaasimaha Guud ee Dowladda Puntland  wuxuuna amaanay horumarka balaaran ee ay Dowladu ku taalabsatay mudadii gaabnayd ee ay jirtay. Wuxuu sidoo kale ku amaanay reer Puntland sida ay had iyo jeer ugu taaganyihiin danaha iyo horumarka Somalia. Mr Daniel Fearn ayaa boogadin u diray Dowladda iyo shacabka Puntland sida halyeeynimada leh ee ay kaga hortageen ururka Alshabaab ee duulanka kusoo qaaday degaankooda wuxuuna balanqaaday in dowladda Ingriiska ay kordhin doonto taageerada ay u fidiso Puntland. Xaga arrimaha federaalka ayuu Mr. Daniel Fearn hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in Somali ku heshiiso habka ugu wanaagsan ee ay ku dhici karto doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhinaca kalena Agaasimaha ayaa maalmo ka hor kulankaan wuxuu Waraysi gaara siiyey Idaaco Lokal ah oo ay leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed ee Finland, Warsysigaas hoos ka dhagayso.

Waraysiga Sawirada salkooda hoose ka dhagayso

image2image1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles