Siyaasada Dowlada Puntland ee la dagaalanka Argagixisada iyo Waliba mabda’A Shacabka Puntland ay ka qabaan Argagixisada wuxuu ka siman yahay in Shaqsiga Argagixisada ah uusan lahayn Qabiil iyo Reer gaara, Waliba mindida waxaa lagu hormariyaa kan Deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland.
Al-Shabaabka todobaadkii hore soo galay Puntland ujeedkii ay doonaan haku yimaadeene waxaa muuqata oo aad dhowaana indhihiina ku arki doontaan Jabka ka qabsadey kusoo xadgudubka Dhulka Puntland.
Way adag tahay in saacado kooban lagu soo gabagabeeyo howlgal lagula dagaalayo ku dhowaad 600 oo Maleeshiyaadka Shabaab ah, walina kama dhicin taariikhda Soomaaliya tirada intaas le’eg oo Shabaab ah oo Dagaal lala galay hal mar.
Nin horaa yiri Adeer Xaliimo haday gaari tahay gurigeedaa laga arki lahaa’ Maahmaahdaan waxay ku socotaa AMISOM IYO Dowlada Dhexe,waxaa gabay uu Abwaaan Sahal Qardhood curiyay Baydadkiisa ka mid ahaa;-
”Ciidamada shisheeyena marabo shiirka AMISONE
Shiinahaan awood kala sinnoo lay shafdhigiwaaye ”.
Al-shabaabka sida qaldan usoo galay ciida Puntland waxay ku dhow yihiin 600 illaa 400 inta u dhexeysa, Maadaama Howlgalkii labaad uusan wali dhamaan lama ogaan karo tirada rasmiga ah, Tirada nolosha lagu qabtay ilaa hada waa sida Puntlandi xogta ku hayee waa 63 isugu jira dhawac iyo kuwo is dhiibay waana kordhayaan marba marka ka dambaysa, Tirada dhimashada loo geystey Maleeshiyaadka way ka gaabsatay Dowladu iney sii deyso.
63 taas 4 baa kasoo jeeda Gobolada Puntland iyo dadka ay isku heybta yihiin, 3 waxay kasoo jeedaan Waqooyi Galbeed, inta kale waa Reer Koonfureed.
Qofka Reer Puntland ah ee lagu qabto Isagoo Argagixiso ah ama kalkaalinaya, iskaba daa kan Dagaal lagu qabtee, waxaa ka yaal sharci gaara, Wuxuu ka ciqaab badan yahay Soomaalida kale.
Saacadaha soo socda Waxay Dowlada Puntland soo bandhigeysaa Guulaha laga gaarey Howlgalka aan ugu magac daray Sifeynta Xeebaha.
Hal Abuurka reer Puntland ayaa si habsami leh u wada Gabayada muujinaya Guusha EEBE uu na siiyay,halkan hoose ka Akhriso Gabay uu Abwaan Sahal Qardhood tiriyay;
Shax ka dheef Shabaaboow Adaa shiday naftaadiiye
Adigaa shaqaaqada wadoo sheeg is yiri beene
Shabeel meel hurdoo xoogan baad shuqa shuqayseene
Shilke iyo baroon baan ku jaray shirixyadiiniiye
Ciidamada shisheeyena marabo shiirka AMISONE
Shiinahaan awood kala sinnoo lay shafdhigiwaaye
Shaxdii aad dagteen iyo hubaal damacii shaashoowye
Shaydaan dharliyo waxaad tihiin shiqibyo waawayne
Shareecada Islaam inaad gafteen uunku wada sheegye
Shacabkiina diid in aad markale dhiig ka shubataane
Shaamshuutar beey kuu sitaan shiishlehoo wacane
Hadaad beri shukaanta uwadeen waad shakaranteene
Shibkadhaha garoomada ileen waad fashilanteene.
Kala soco Puntlandi.com Warar sugan oo tafa tiran.
Puntlandi.com
Garowe