Diyaarad ay leedahay Shirkada Fly Dubai ayaa saaka aroortii ku burburtay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Magaalada Rostov-on-Don ee Dalka Ruushka, Diyaarada ayaa waxay u socotey Magaaladaas, Dhamaan Rakaabkii way geeriyoodeen.
Doyaarada ayaa sida mudo saacad ah waxay dul heehaabeysay Garoonka oo way dagi wahdey iyadoo in la badan toban jeer isku daydey iney soo caga dhigato garoonka.
Dadka ku haligmey dhamaan waxay ahaayeen Ruush marka laga reebo shaqaalaha diyaarada oo u badnaa Hondi.
FlyDubai ayaa bilihii u dambeeyey waxay ka howlgalaysay Soomaaloya oo waxaa jira Duulimaad maalinle ah oo osaga goosha Dubai ilas Hargeysa.
Diyaaradaan burburtey waxay xalay saqdii dhexe ay ka duushey Dubai wuxuuna Duulimaadkaan ahaa mid maalinle ah.
Waxaa hada xiran gabi ahaan Garoonka Doyaaradaha ee Magaalada Rostov-on-Don Dalka Ruushka, Waxaana garoonka kusoo qulqulaya eheladii dadka Saaraa Doyaatada burburtey.
Puntlandi.com