Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Baaq Deg Deg ah oo ku socda Jaaliyadaha Puntland ee Qurbaha

$
0
0

abaaro-bahsanSanadkaan waxaa Dalkii saameyn wayn ku yeeshay Abaaro xoogan oo Gobolada qaar ay khatar ku sugan yihiin Dad iyo Duunyaba.

Gobolada Abaaruhu ka jiraan waxaa weeye Sanaag, Karkaar, Nugaal.Sool, Haylaan iyo Bari.

Baaqaan Deg dega ah wuxuu ku aadan yahay oo qaylo dhaan xoogan ay hada ka timid Gobolka Sanaag iyo qaybo ka mid ah Gobolka Karkaar.

Jaaliyadaha Dibada waxaa la farayaa iney Deg Deg ugusoo gurmadaan shacabkaas tabaaleysan.

Ma aha codsi la idiin soo dirayo waa waajib deg deg in loo fuliyo la doonayo.

Madaxweyne Xigeenka Puntland Cabdixakiin Camey ayaa todobaadkii hore wuxuu ku baaqay in loosoo gurmado shacabka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Ayaa isna baaqaasoo kale u gudbiyey Jaaliyada Waqooyiga Amerika.

Wariyaha Puntlandi ee Bosaso oo saaka xiriir lasameeyey Gudooniyayaasha Gobolada qaar, waxay sheegeen in wali Jaaliyaduhu ay oska dhaga tirayaan Abaaraha ka jira Dalka waxayna ku baaqeen Gargaar deg deg ah, hadii kale DHOWAAN WAXAAD MAQLAYSAAN CARUUR BAA HARAAD UGU GEERIYOOTAY SANAAG AMA KARKAAR AMA GOBOLADA KALE.

Halagasoo gaaro Gobolada hada ay ka jiraan biyo la’aantu, Halkii booyad oo biyo ah oo aad sponsar garaysaan waxay badbaadineysaa boqol caruura oo cudur iyo dhimasho ay haraadku keenaan qarka u saaran.

Halbooyad oo biya ah waxay badbaadineysaa Xoolo fara badan.

Fadhiga halaga kaco oo dadka hala badbaadsho.

Wada jir iyo kaliba uga qaybqaata gargaarkaan deg dega ah.

LA XIRIIRA WARIYAHA PUNTLANDI EE BOSASO ISAGAA IDINKU XIRAYA MAAMULADA IYO ODOYAASHA DHAQANKA EE GOBOLADA IYO WALIBA MASUULIYIINTA AY DOWLADU U XILSAARTEY GOBOL WALBA.

Xafiiska Puntlandi ee Boosaaso.

Cabdiqani Cabdulaahi Cabdi
tlf.+252907644474

Xasuusin: Puntlandi wuxuu idiin sahlayaa oo qura isku xirka Jaaliyadaha iyo Gobolada ee shaqo kuma laha qabashada gargaarka, waxaan kaloo idinka balan qaadeynaa inaan idiin soo tabino gargaarkiinu meeshuu gaaray iyo Jaaliyadaha kasoo jawaaba gargaarka.
abaaro


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles