Xafladii Xalay ay Reer Minneapolis kusoo dhaweynayeen Madaxweynaha Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa noqotay Xafladii ugu weyneyd ee ay Shacabka Soomaaliyeed ee Magaaladaas ay isugu yimaadaan.
Hoolka Xaflada ayaa kor u dhaafay tiradii loogu tala galay kadib markii ay Reer Minneapolis ay soo baneeyeen guryahoodii iyaguu fooda saaray hoolka Xaflada lagu qabanayey.
Dad badan ayaa banaanka dhoobnaa oo boos ka waayay Xaflada,waayo waxaa xaflada isugu yimi dad aad u badn,kuwaas oo danaynayay Khudbada Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas wuxuu Reer Minneapolis u jeediyey khudbad qiimo xambaarsan oo ka hadleysay guud ahaan Soomaaliya.
Dr. Gaas ayaa mar kale ku celiyay inaysan Puntland sinaba u qaadanayn Nidaamka 4.5,wuxuu sheegay in Nidaamkaasi uusan la jaanqaadayn Dawladnimada Soomaaliya.
Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Jaaliyada ugu baaqay inay door ka qaataan Gurmadka loo fidinayo dadka ay saameeyen Abaaruhu ee ku nool Puntland.
Hoos ka daawo Sawiro,goor dhow Filo Video;-
www.puntlandi.com.