INNAA LIL LAAHI WAA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Illaahay naxariistii jano haka Waraabiyee waxaa maanta 5 Maarso 2016 Nairobi ku geeriyooday Siyaasi ahaana Ganacsade Maxamed Abshir Walde.
Marxuumku wuxuu taariikh weyn ku lahaa gayiga Soomaaliya, Kadib markuu 1968dii kasoo qalin jabiyey Jaamacada Columbia University Journalism School (MA in Mass Media) wadanka Maraykanka, wuxuu ku biiray BBC oo uu kasoo shaqeeyey, wuxuu soo noqdey Madixii Wakaalada Wararka Soomaaliya.
Wuxuu ahaa Siyaasi ruugcadaa ah isla markaasna wuxuu ahaa Qoraa dhowr buug qoray.
Waayadii dambe Marxuumku wuxuu qayb wayn ka qaatay dib usoo nooleynta Soomaaliya isagoo dhinaca kalane ahaa ganacsade.
Taariikda Marxuumka oo buuxda kala soco Puntlandi maalmaha soo socda…
WAXAA TACSI AAN LASOO KOOBI KARIN LOO DIRAYAA XAASKII MARXUUMKU KA TAGAY MARWO FA’IZO CABDALE IYO CARUURTIISII IYO GUUD AHAAN REER ABSHIR WALDE
TACSIDA VIP- KUSOO DIRA
123@puntlandi.com
Tacsida Jaaliyadaha iyo shaqsiyaadka kusoo dira
info@puntlandi.com
—-”””——
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo ku hadlaya Magaca labada Gole ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alla naxariistii jano kaka waraabiyee Marxuum Maxamed Abshir Walde oo maanta ku geeriyoodey Magaalada Nairobi.
Madaxweynuhu wuxuu tacsi gaara u diray Caruurtii marxuumku ka tagay, Ehelkiisii iyo Asxaabtiisii.
Madaxweyne Gaas isagoo ka tiiraanyeysan Geerida Marxuumka wuxuu illaahay uga baryey jano waarta iyo Dambi dhaaf.
Aaaamiin Aamiin
Aaamiin
—–””"”"”—””
Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland Mudane Cabdixakiin Cumar Camey ayaa ka tacsiyeeyet geerida Marxuum Maxamed Abshir Walde, Wuxuuna Madaxweyne Xigeenku tacsi u diray Xaaskii iyo Caruurtii uu marxuumku ka tagay iyo guud ahaan Qoyska ReerWalde.
Madaxweyne Xogeenku wuxuu kaloo tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Puntland wuxuuna Marxuumka Illaahay uga baryayaa Jano waarta iyo dambi dhaaf.
Aaaamiin Aasmiin
—–”"”"—-”’–
Madaxweynihii hore ee Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Marxuum Maxamed Abshir Walde.
“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Qoyskayga, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Caruurtii , Ehelkii iyo guud ahaan Shacabka Puntland geeridii ku timid Marxuum Maxamed Abshir Walde oo galabta ku geeriyoodey Magaalada Nairobi.
Maxamed Abshir Walde wuxuu ahaa nin Soomaalinimadu ku wayntahay, wuxuu ahaa saaxiibkey Waxaan illaahay uga baryeynaa Jano waarta iyo dambi dhaaf.”
Aamiin Aaamiin
——”"”"”—”
Isimada Puntland ayaa tacsiyeeyay Geerida ku timi Siyaasi ahaana Ganacsade Marxuum Maxamed Abshir Walde oo ku dhintay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Isimada oo dhambaal tacsi ah soo gaarsiiyay Warsidaha Puntlandi,ayaa Marxuumka EEBE uga baryay Janatu Fardawsa.
”Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa annagoo ah Isimada Puntland Ehelada,qarabada iyo guud ahaan Ummadda reer Puntland ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Abshir Walde,wuxuu ahaa Siyaasi caan ah,Ganacsade iyo Qoraa Xil kas ah”Ayuu yiri Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid.
Cabdullaahi Cali Ciid ayaa sheegay in Marxuumku uso adeegay Ummadda Soomaaliyeed,uuna door ku lahaa dhismaha Puntland,wuxuuna sido kale gacan ku lahaa hormarka Puntland.
Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali ”Ciid”.
——-’”"”———-
TACSI KA TIMID QAAR KA MID AH GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND
INAAN LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN
Anagoo kala ah masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaynaa dhammaan qoyskii iyo eheladii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed guud iyo gaar ah kan Puntland geeridii naxdinta lahayd ee ku timid halyey Maxamed Abshir Waldo oo 5tii bishan Maarso 2016 ku geeriyooday Magaalada Nairobi, Kenya.
Waxaan Illaah uga baryeynaa marxuumka inuu ka waraabiyo Janatul -Fardow, dhammaanteena Samir iyo iimaan naga wada siiyo. AAMIIN
1. Dr. Cali C/llaahi Warsame……..Wasiirka Degaanka Puntland
2. Dr. Abdirahmaan Jaamac Kulmiye……Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Kalluumaysiga PL
3. Dr. Cabdinaasir Cuuke………..Wasiirka Caafimaadka PuntLand
4. Md. Cabdullahi Sheekh Axmed …..Wasiirka Maaliyadda Puntland
5. Eng. Xasan Xaaji Siciid…….Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada Puntland
6. Gen. Abdulqaadir Shire Faarax……..Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Puntland
7. Eng. C/llaahi Salax Jaamac…….Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Puntland
8. Md. Axmed Yaasiin Saalax…………..Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland
9. Md. Maxamuud Beeldaajiye Faarax …..Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland
10. Md. Maxamuud Max’ed Cali Gabax………..…Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kaluumaysia
11. Eng. Maxamuud C/nuur Adan Dalab………Agaasimaha Guud ee Hay’ada PHA Puntland
12. Dr. Sayid Max’ed Cabdille Xasan—–CEO -Somtel-Puntland
13. Dr.Max’ed Xuseen Aadan Sardheeye…..Agaasimaha Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo
14. Mudane C/qaadir Faarax Bootaan………………Xildhibaan Puntland
15. Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan….. Agaasimaha Guud ee Ciidamada Badda Puntland
16. Mudane C/qadir Xuseen Nuur Dirir…….Xildhibaan Puntland
——”"”"—–”’
Waxaan ka tacsiyeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Alle ha u naxariistee Maxamed Abshir Weldo oo runtii ahaa halyey qaran, qoraa, aqoonyahan gaar ahaan xagaafe warfaafinta. Maxamed Alle ha u naxariistee 1968 ayuu ka qaatey shahaadada 2aad ee Masters Degree Columbia University ee dalka Mareykanka, wuxuuna ka soo shaqeeyey BBC Somali Service lixdameeyadii, wuxuuna kaloo madax/maamule ka noqdey idaacadii Qaranka Soomaaliyeed markii la isku daray Radio Muqdishu iyo Radio Hargeisa 1964.
Wuxuu ahaa waxgarad cid walba oo barataa ay ku farxeyso barashadiisa, gaar ahaan dhallinyarada oo uu la wadaagi jirey khibradiisa iyo waayihii adduunka.
Alle ha u naxariisto Maxamed Abshir Weldo, qabrigana ha u waasiciyo. Aamiin Aamiin
Ali Xaaji Warsame
————”’—-
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dowladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhoguran) oo lasoo xiriiray warsidaha Puntlandi xafiiskiisa Garowe ayaa ka tacsiyeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Maxamed Abshir Walde.
” Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Marwo Faa’iza Cabdalle, Xaaskii Mohamed Yusuf Abshir Waldo, ilmihiisa, reer Abshir Yusuf Waldo, dhammaan qaraabadiisii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed. Allah ha naxariiste Marxuum Muxammad Abshir Yuusuf Waldo, waxaana Eebbe Weyne uga baryayaa inuu Marxuumka Jannatul Fardowsa ka waraabiyo innagana Samir iyo Iimaan ha inaka siiyo,” ayuu yiri wasiir Indho guran.
Aamiin…Aaamiin INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Puntlandi.com
——”"”"——–
Anigoo ah Agaasimaha Protocolka Madaxtooyada Puntland Abdisalam Hassan Duacaale Murug,
Waxaan tacsi tiiraanya leh u dirayaa dhammaan qoyskii,qaraabadii,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida Marxuum Maxamed Abshir Waldo Illaahayna waxaan ka baryayaa in uu Janatul Fardawsa geeyo AAMIIM AAMIIN, anaga samir iyo iimaan.
—–:::::”:::—
Illaahay waxaan ugu baryaynaa Walaalkey Mohamed Abshir naxariis badan, qabri nuur badan, qabow, udgoon oo waasica.
Mohamed wuxuu ahaa Saaxiib lama huraana, Aabe macaan, wadani ah oo uusan dadkiisa iyo dhulkiisu mid hilmaami doonin badalkiisana ay dhib noqon doonto.
Mohamed dad yar baa yaqaana wuxuu u ahaa nin dalka iyo dadkiisa wax walba u hura , wuxuu ahaa ninaan wax u qaban halaaga sheego ama istus tus, waana tabi doona.
Waxaa xagaan tacsi ka diraya Dr. Abdulcadir iyo Xaaskiisii , Faarah cadood iyo Xaaskiisa, Abdisalan Salwe iyo Xaaskiisa,, Farax Salwe iyo Xaaskii Abshiro iyo Caruurteeda si gooniyana waxay tacsi ugu dirayaan Marwadiisa iyo Gabdhihiisa, illaahay dhamaanteen Samir iy iimaan hanaga wada siiyo asagana jana firdowsa allaha ka waraabiyo.
Inaalillaahi wa inaa illaahay raajicuun
Dr. Abdulcadir M Giama (Dr. Dhagacade)
—-”"”——’
Cabdinaasir Xaaji Maxamed Warsamøe
Gudoomiye Xigeenkii hore ee G. Nugaal
Anigoo ah Guddoomiye Kuxigeenkii hore Maamulka Gobolka Nugaal C/naasir Xaaji Maxamed Warsame, Waxaan Tacsi Tiraayo leh U dirayaa Dhamaan Qoyskii eheladdii iyo qaraabadii iyo dhamaan umadda somaliyeed uga tacsiyayn Marxuum Maxamed Yuusuf Abshir Walde,
Allaha u naxariistee Marxuunka wuxuu ahaa sxb aan aad isugu dhawayn samir iyo iimaan allaha Ina kasiiyo allahna waxaan uga baryaynaa in uu janadtul fardawso karaabiyo kitaabkiisana gacanta midig kasiiyo.
Aamiin, aamiin
—–”"”——-
Ku:- Buugga Tacsida Marxuum Maxamed Yuusuf Abshir (Walde
Uj:- Tacsiyayn
Anigoo ah C/Kafi Cabdi Ducaale Qarjab, Waxaan Tacsi Tiraayo leh U dirayaa Dhamaan Qoyskii eheladdii iyo qaraabadii iyo dhamaan umadda soomaliyeed uga tacsiyayn Marxuum Maxamed Yuusuf Abshir Walde,
Allaha u naxariistee Marxuunka wuxuu ahaa Aqoonyahan, Siyaasi iyo Ganacsade Soomaaliyeed, taariikh dheerna ku leh Saaxada Soomaaliya samir iyo iimaan allaha Ina kasiiyo allah na waxaan uga baryaynaa in uu janadtul fardawso karaabiyo kitaabkiisana gacanta midig kasiiyo.
Aamiin, aamiin
—–”"”"”——
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN . KULU NAFSIN DAA’IQATUL MOWT .
Anigoo ah Abdikadir Muhyadin Mohamed Hashi waxan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa DHamaan Uummada soomaaliyeed Gaar ahaan Shacabka Rer Puntland iyo qoyskii eheladii iyo Qaraabadii uu ka geer yooday Marxuum Maxamad Abshir walde ,
waxaa tacis Dirayada Dadka kala ah .
1. Ex Xildhiban Maxamud Abdiasis Omar ( Cadooye . )
2, Muxiyadin Mohamed Xaashi .
3. Abdikadir Muxiyadiin Maxamad . ( Dhagawayne )
4. Xaawo Maxamad Xaashi .
5, Guleid Maxamud Abdicasis
6, Yasin Jamac Cumar ( Taakilo )
7. Nabadoon Xirsi Faarax Cigaal
8, Caaqil Jamac Cumar Dhagad
Dhamaan Qoysaska Reer Xaashi Xuseen iyo Reer Cadooye Cumar Dhagad waxay ka tacsiyaynayaa Geerida marxuum maxamad abshir walde .
Ilaahay ha U Naxariisto Marxuun Maxamad Abshir Walde Waxan si Gaar ah Ugu Tacsiyaynayaa Jaamac Ashir Walde iyo Dhaman ilma abshir walde Xaaskii iyo caruurtii . ilaahay waxan uga baryaynaa inuu u Naxariisto Marxuunka dandigiisana allaha dhaafo amen amen amen .
Qore
Muxiyadin Mohamed Xaashi Xuseen .
Mahadsiniid
———”’—–
Annagoo kala ah :
1 – Siraji Abdullahi osman
2 – Suldaan Abdullahi Faarax Rafle
3 – Mohamud Mohamed
4-Abdirahman Salaad sh Ahmed Gole
5 – Abdiaziz Sugulle Mandela
6-Abdirahman Fifa
7 – Xaaji Cali Raage
8 – Xasan Muuse
Waxaan halkan Tacsi oga direynaa Eheladii iyo qarabadii uu ka Geeriyooday allaha u naxriiste marxuum Mohamed Abshir Walde oo xalay ku Geeriyooday Magaalada Nairobi
Aàaaaaaaaamiiiiiiin
———–””’——”’
Reer Cabdirshiid Farax
Inna lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun! Waxaa halkaan tacsi tiiraanyo leh ugu dirayna inuu ilaahay jannatul firdaws ka waraabiyo Maxamed Abshir Walde. Ilaahay ehelkiisa samir iyo iman ha ka siiyo. Waxaa tacsidaan diraya anagoo ah Reer Cabdirashiid Farax, Fadumo Jamac Aale, Ali Jamac Aale iyo dhamaan ilmo Cabdirashid. Waxa leenahay ilaahay swt kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo oo qabriga u waasiciyo. Amin yaa rabb.
———-””——-”’—–
Mohamed Aaden
inaa lilaahi waa inaan ilaahi raajucuum kulu nafsin daa iqatul mowd
inigoo ah Maxamed Aadan Jaamac (sheekeeye) ahna nin dhalinyara ah oo
reerpuntland kuna sugan caasimada GARAWE ah arday jaamacadeed waxan
halkaan tacsi oga dirayaa geeridii naxdinta lahayd ee kutimid marxuum
maxamed Abshir tariikhdu markay ahayd 5-3-2016 magalada nayrobi
waxaan leeyahay ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo gaar ahaan
ehelkiisii xaaskii iyo caruurtoo guud ahaan umada somaliyed gaar ahaan
puntland
marxuumku waxuu kamid ahaa asaasayashii puntland
——-””’——
Ahmed Saciid
Asc,
Anigoo ah Axmed Siciid Xaaji, waxaan halkaan tacsi uga dirayaa xaaskii iyo caruurtii uu ka tegey iyo dhamaan ehelka Alle ha u naxariistee geerida ku timid Maxamed Abshir Walde,
ilaahay janadii hageeyo inagana samir iyo iimaan, mudo sodon sano ah yaan aqaaney maqal iyo muuqaalba,
Puntlandi mahad-sanidin.
–”””—””—
Xirsi Caynab
INNA LILLAHI WA INNA ILEEHI RAJICUUN!
ALLAHA U NAXARIISTO WALAAL MAXAMED ABSHIR WALDE
OO QALBIGANNAGA KU WAYNA, BULSHADUNA TABI DOONTO.
SAMIR & ADKAYSI ALLAHA SIIYO QOYSKA
KITAABKIISA MIDIGTA ALLAHA KA SIIYO
——”’——
Eng. Ahmed Ali Mire
Dr. Hassan Ali Mire, Dr. Abdullahi Ali Mire io Eng. Ahmed Ali Mire io walaalahod oo dan io Marwo Halima Ashkir warsame waxaay tacsi tiraanyo leh u dirayaan marwo Faiza Abdalle, ilmihisa, reer Yusuf Abshir Walde o dan, geridi naxdinta laahayd o asibtay walaalkaya Mahamed Abshir. Allah u Naharisto.
—–”””—–
Prof.Khaliif Bile Maxamuud
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi rajicoon
Waxan Tacsi u soo dirayaa Marxuum Maxamed Yusuf Abshir Weld oo ahaa nin qaran, anigoo u tacisyeynayaa bulshada Somaaliyeed, gaar ahaan qoyskii uu ka tegey. Ilaahay Jannatul Firdows ha u goglo.
Innallaaha maca-Saabiriin
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi rajicoon
—–”"”"—-
Bashiir Axmed Gardaad
Montreal, Canada
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca xaaskayga Maryan Mahdi waxaan tacsi u dirayaa xaaskII, carruurtii, walaalihii iyo eheladii kale oo uu ka geeriyoodey Al-Marxuum Maxamed Abshir Walde. Maxamed wuxuu ahaa halyey ummadda Soomaliyeed usoo halgamey oo waxtarkiisa la tabiddoono, aniguna gaar ahaan aan tebiddoono saaxiibtinimadiisii.Eebbe naxariistiisa ha ka waraabiyo.
—–”"”—–
Ina lilahi wina ilahi rajucoon waxaan hakaan tacsi tiraanyo badan ugu soo dirayaa mahamed abshir walde inoo ilahay janadii ka warrabiyo anagoo ah reer abdi musse yusuf gaban
—-”"”"”——-
Waxaan dhamaan ehelka reer waldo iyo xaaskii iyo caruurtii uu ka geeriyoday rugcadaa saxafi siyaaasi ganacsade maxamed abshir waldo uga tacsiyaynaya geerida ku timi maxamed Samir iyo iimana alle haka siiyo
Abdishakiir Cabdulqadir Xisi
—-””—–
Anigoo ah Siciid Cabdullahi Ismail magacayga iyo midka xaaskayga iyo dhamman ehelkeyga waxaan tacsi u direynaa Marxuum Mohamed Abshir oo aha nin Saciim ahaa ummada soomaliyedna wax badan usoo qabtay ilaahay waxan ka baryayaa inuu jannatal firdaws ku sooro danbigiisana dhaafo ehelkiisi iyo asxaabtiisina samir iyo cawil khayr Amiin Amiin Amiin Innaa lilaahi wa inna ileyhi raajicuun.
—-’”"”——-
Inaa lilaahi wa inaa ileeh raajacuun dhamaan jaaliyadaha reer puntland iyo jubaland iyo jaaliyada reer south west ee north america iyo golaha 88 ee falaqeynta siyaasada somaliya maamulka iyo wariyaasha iyo odayaasha golaha iyo dhamaan xubnaha golaha waxaan ka tacsiyeyneynaa geeridii naxdinta la heyd ee aun aqoon yahan mohamed abshir walde waxaan alle uga baryeynaa in uu ka waraabiyo janatul fardowsa waana uga tacsiyeyneynaa ehelkii asxaabtii iyo dhamaan ummada somaliyed maamulka golaha iyo wariyaalka golaha88
Maamulka oo kala ah
1- adan mj
2-abdirisaq jj
3-garyaqaan
4-baariye weyne
5-mirifle
6-mahad boston
7-heybe
8 – wanaagsan
9– jeneral balanbale
10 siyaad yare
11- wariye sooyaal
12-wariye wardoon
13-wariye dalmar
14-wariye nasiib
15- wariye geele kabaweyne
Odayaasha golaha88
16- adeer jama
17-eng ibrahim muumin
18- korneyl cagaaran
19- adeer waayo arag
20- adeer hilaac
21-maryan cisman ( maryan curubo )
22-udbo lacag
23- oday diini
24- ahmed xasan oday somaliyed
25-ahmed ( ugaas shaarib)
Dhamaan qoyska reer gaawiido
Galeyr gawiido
Gooni gaawiido
Gaashaan gawiido
Xawo xasan cuke
Sacdiyo xasan cuke
Abdirahman ali shire iyo xaaskisa nuro jurijuri
Drs luul xasan laari
Xaalimo farax cade
Saciid jama bixi
Abdirisaaq mohamed nur
Abdisalan buurdibi abdihakim jigis
Abdihakim ildab
Mudane tinle
Daud tahaliil husein
Abdirisaq ali bihi
Mohamed jama bihi
Abdinur isburash
Safiya ciise dheeg
Nabadoon cubeyd adan seed
Nabadoon abdulahi ali bare
Nabadoon muse xasan galac
Mohamed abaas yusuf yeey
Canab garaar
Mahad indha deero
Mursal ali bulo
Mohamed jama diriye ( qodhob)
Abdi aziz jama bihi
Geedi xasan cuke
Xawse isburaash
Ahmed ciisa diin
Ahmed cowl
Mohamud diriye faraweyne
Ahmed jama yacqub
Xalimo jama yacqub warsan ali gaayaco
Ina gaayaco haraqleyso
Mohamed ahmed cilmi ( tobantolaale )
Jama adan hashi
Sacid ali garase
Jery dabcad
Abdulqadir joorje
Osman ali mire
Abshir gidaare
Abshir ali guure
Abdiqadir jama muse
Abdisatar haji adan
Mahdi gaagac
——”"”—-
Annagoo ah dadka hoos ku xusan waxaan tacsi u diraynaa qoyskii iyo eheladii oo ka geeriyooday Allaha u naxariistee Maxamed Abshir Waldo.
1. Eng. Abdiraxman Ali Sald
2. Eng. Abdiwahab Aden Camey
3. Eng. Abdirisaq Yusuf Cilmi
4. Xirsi Caynab
5. Axmed Jamac Biriye
6. Abdiraxman Cise
7. Eng. Abdirisaq Burgal
——”"”"——