Sida ay Wararka rasmiga ah ku heleen howlwadeenada Puntlandi waxaa weerarkii maanta lagusoo qaadey Madaxtooyafa Soomaaliya ku dhintey shan Qof oo afar ay Rayid yihiin halka halqofna uu yahay Askari ka tirsanaa Kooxda Caafimaadka ee Ciidanka Villa Soomaaliya ilaaliya qayba Soomaalida
Hooyo, Aabe iyo labadooda Caruurta ah ayaa ku dhintey weerarka kafib markii uu hoobiye ku habsadey gurigooda oo ku yaalay dagaandaga hoose ee Sayidka ee Xaafada Howlwadaag.
Waxaa kaloo dhawac soo gaaray afar Askari oo ka tirsan ilaslada Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid.
Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jabriil oo xiligaas Villa Soomaaliya ku sugnaa wuxuu Puntlandi u sheegay in khasaaraha iyo weerarku aysan is lahayn oo khasaaruhu aad u yaryahay marka loo eego weerarka lagusoo duqeeyey Madaxtooyada.
Xildhibaanku wuxuu sheegay in isaga iyo Xildhibaano kale ay ku sugnaayeen Madaxtooyada Xiliga lasoo duqeeyey balse illaah mahadii uusan wax khasaare ah soo gaarin, Marka laga reebo dhawacyo fudud oo askarta soo gaarey iyo hal askari uu dhintey.
Ilaahada cidna ma shergan weerarka lama oga cida soo tuurtay Hoobiyayaasha.
Puntlandi.com
Muqdish