Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Puntland oo Digniin u dirtey Dowlada Federaalka iyo Shirkadaha Shisheeye ee Shidaalka baara

$
0
0

Wakaalada Shidaalka iyo Kheyraadka dabiiciga ee Puntland ayaa digniin adag u dirtey Shirkadaha Baara Shidaalka ee daneynaya inay shidaal ka baaraan Puntland.

Mudane Faarax Ciise Dhalawaa Agaasimaha Guud ee Wakaalada Kheyraadka Puntland ayaa xiriir uu la sameeyey laba shirkadood oo la sheegay iney daneynayaan kheyraadka Soomaaliya ayuu uga digey iney heshiis la galaan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo aan lahayn awood ay heshiis shidaal baaris ay kula galaan Shirkado shisheeye.

Agaasimuhu wuxuu sheegey in kheyraadka Puntland aysan xiligaan la joogo wakiil ka noqon karin Xukuumada Villa Soomaaliya.

Wuxuu kaloo shirkadaha daneynaya Shidaalka Soomaaliya u sheegey iney marka hore akhristaan Dastuurka Federaalka qodobada qusaya kheyraadka Dalka.

Dhinaca kale Warar ay Puntlandi heleen ayaa waxay sheegayaan in Puntland ay Qaramada Midoobey ka codsatey in baaritaan lagu sameeyo dhamaan heshiisyada ay gashay Dowlada Federaalka Soomaaliya lagasoo bilaabo 2013kii ilas hada, Heshiisyada puntland dalbatay in la baaro ma ahan oo qura shidaalka ee waa guud ahaan heshiisyadii dhacay mudooyinkaas.

HOOS KA AKHRISO QORAAL AY WAKAALADA KHEYRAADKU SOO SAAREEN MAANTA IYO WARAAQDII LOO DIREY SHIRKADAHA

Warqada 1aadWarqada 2aad

HALKAAN HOOSANA KA AKHRISO WARAAQDA LOO DIRAY SHIRKADAHA
Warqada 1.1aadWarqada1.2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles