Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING NEWS–Dowlada Puntland oo si cad u diidey iney qaabisho Wafdigii Dowlada Federaalka

$
0
0

breaking-News-from-Puntland-300x180Warar ay Warbaahinta Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Dowlada Puntland ay hor istaagtay inay Puntland yimaadaan Wafdi ay hogaamin lahaayeen mid ka mida Mas’uuliyiinta ugu sareeya Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Sida ay Puntlandi Xogta ku heleen Puntland waxay Villa Soomaaliya u sheegeen ineysan jirin ajande laga wada hadlo,oo garab walbaa uu cad yahay mowqifkiisa, iyo in xiligii wada hadalka ama gorgortanku uu haboona lasoo dhaafay.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u xaqiijey in dhinaca kale ay Puntland aqbashay iney Boosaaso ay kula kulmaan Mas’uuliyiinta ugu sareeya Beesha Caalamka ee Soomaaliya jooga, Waxaana Wafdiga Beesha Caalamka soo hor kici doona Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Michael Keating, Waxayna Boosaaso kusoo wajahan yihiin Dabayaaqada todobaadka soo socda.

Go’aanka ay Puntland ka qaadatay Dowlada Fereraalka wuxuu muujinaya in aad loo kala fogaadey,ayna Puntland ka dhabeysay iney qaadato talaabo u cuntamaysa shacabka Puntland, Wixii masiirka Soomaaliyeed ahna ay kala xaajoon doonto Beesha Caalamka.

Puntlandi.com
Boosaaso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles