Jawiga Muqdisho dhanka Siyaasada ayaa aad u kacsan maanta kadib markii ay Beesha Caalamku soo bandhigtey Warqad ay ka heleen Madaxda ugu sareyasa Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Warqada waxaa wada jir u saxiixay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheikh, Raysal wasaaraha Cumar Cabdirshiid iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari, Warqada waxaa Beesha Caalamka loo gudbiyey laba maalin kadib shirkii Kismaayo ee 17 janaayo soo dhamaaday.
Warqada waxaa lagu sheegay in labada Gole ee Dowlada Federaalku ay soo go’aamisay nidaamka Loo galayo Doorashada iyadoo ka tixraacaysa heshiiskii Kismaayo lagu gaaray, was sida warqasa ku qorane.
Go’aanka ku qoran warqada waa kii uu Madaxweyne Xasan Sheikh ka sheegay shirkii doraad(25 janaayo) ee lagu kala kacay.
Warqadaan ayaa xalay laga war helay waxayna dhalisay sawaxan iyo caro xoogan.
Qaylada ugu xoogan waxay ka taagan tahay Baarlamaanka oo ka godoodsan Warqada Been abuurka ah oo Gudoomiye Jawaari Saxiixay, Waxaana hada Villa Hargeysa ka socda kulan Deg Deg ah oo uu shir gudoominayo Gudoomiye Xigeen Cawad.
Sida Puntlandi Xogta ku helay Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid ayaa cadeeyey in warqadu ay jirto kadib kulan uu la qaatey Madaxweyne Gaas iyo 20 Xildhibaan.
Sida Puntlandi warar hoose ku helay waxay Xildhibaanadu soo saarayaan Bayaan adag oo ay ku wargalinayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Beedha Caalamka Khiyaanada ay galeen Madaxda Soomaalidu, inkastoo horey Beesha Caalamka loogu sheegay.
Xaaladu aad ayay u kacsan tahay hada.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com