Safiirada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambasador Fabrizio Marcelli iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wei Hongtian oo ah labada Dal ee hirgaliyey Garoonka ayaa iminka kasoo degay garoonka, waxayna salaameen Shaqaalihii dhisay Garoonka iyo shaqaalaha Garoonka.
Shina waxay leeyihiin Shirkada dhisaysa Garoonka halka Dowlada Talyaanigu ay tahay Dowlada shacabka Puntland ugu deeqdey lacagta lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Bosaso, si gaara ayaa labada safiir loosoo dhaweyey.
Ganacsato isugu jira Itoobiyaan, Hindi iyo Shiineys ayaa diyaaradaan iyana saaraa.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Xigeenka Cabdixakiin Camay ayaa soo dhaweeyey MAsuuliyiinta.
Diyaaradia kowaad ee garoonka soo caga dhigsta waxay ahayd Jubba Airway, cilad farasamo awgeed ayaan dib ula dhacnay sawirada laakiin goor dhow ayaan soo fasaxaynaa..