Wararka Puntlandi ka helayaan Villa Soomaaliya waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu galabta kulan uu isagu dalbaday uu kula yeeshay Villa Soomaaliya Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya.
Sida Puntlandi warka ku hayo Madaxweynuhu wuxuu Xildhibaanada uga warbixiyey Wadahadaladii Hiigsiga 2016 ka isagoo u sheegay in Xaalada wadahadalku uu gaaray meel fog oo lagu kala aragti duwanaaday.
Xogwarankaas kadib waxaa hadalkii qaatay Jawaari oo intaysan Xildhibaanadu imaan Villada ka hor isagu kulan gaara la qaatay Madaxweynaha wuxuuna Xildhibaanada ku booriyey in ay maqan tahay kaalintoodi maadaama aysan hada cidna faraha ugu jirin Qorshe cad oo doorashada lagu galo sanadka soo socda.
Sida ay Puntlandi u sheegeen illo lagu kalsoon yahay, Waxaa hadalada Madaxweynaha iyo kan Gudoomiyaha laga dhadhan sanayay iney Xildhibaanadu bilaabaan olole cusub oo Mudo kordhin ah.
Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa Madaxweynaha ku yiri hadalo kulkulul oo ay ku eedeeyeen in ay Dowlada Federaalku iyadu hormuud ka tahay in Wadahadaladu ay miro dhali waayaan ujeedkuna yahay in Kursiga lasii fadhiyo.
Halka qaar kale Xildhibaanada ay Madaxweynaha ku eedeeyeen inuu isagu masuul ka yahay in markii horeba Wadatashiga hiigsiga 2016 laga qadiyo Xildhibaanada aysana garaneyn sababta hada loogu yeeray mar xeero iyo fandhaal kala dheceen.
Wadahadal dheer iyo buuq kadib Xildhibaanadii iyo Madaxweynuhu way kukala kaceen fadhigii, laakiin waxaa Xildhibaanada kamid ahaa qaar wax ka ogaa Qorshaha labada masuul kuwasoo intii kulanku socday u riyaaqayay hadalkii Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha.
Puntlandi.com
Muqdosho