Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– 3 ka mid ah Ragii Madaxweynaha Jubaland sheegan jirey oo Muqdisho loo masaafiriyey iyo Amisom oo dhawac Muqdisho u qaadan

$
0
0

Kismaayo– 1 luuliyo,2013–Puntlandi– Maamulka Jubaland ayaa Amisom ka codsadey in Muqdisho loo masaafuriyo Saddex nin oo ka mid ahaa kuwii sheegan jirey Madaxweynaha Jubaland,kuwasoo sabtidii isu dhiibey Ciidamada Amisom ee Kenya, ka dib markii Dowlada Jubaland amartay Ciidanka Amaanka inay soo xiraan Ragaan iyo Barre Hiiraale inkastoo Korneyl Barre uu isagu isagu cararay Magaalada.

Wadahadal ku saabsan nimankaan oo dhexmaray Saraakiisha Jubaland iyo kuwa Amisom ayaa la isla meel dhigay in Nimankaan loo tuuro Meeshii laga soo direy awal oo ahayd Muqdisho, sadexda nin ee la masaafuriyey waxay ku jira Iftn Baasto.

Dhinaca kale Diyaarad Qaramada Midoobey leedahay ayaa waxay qaadeen dhawac ay Amisom u gudbisey Isbitaalkooda ku yaala Muqdisho, dhawacaasoo ka dhashey dagaalakii Doraad.

Guud ahaan Amaanka Kismaayo wxii ilaa shalay baa la moodaa inuu meel wanaagsan marayaa, shacabkuna waxay dareemayaan in isbadal Magaalada ka dhashey, waxayna muujinayaan kalsooni Amaanka oo Buuxda.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles