Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Maamulka Cadaado ee Galmudug oo si bareer ah u jabiyey heshiiskii xabad joojinta iyadoo ergadii arkayso

$
0
0

Galmudug ayaa si bareer ah u jabisay heshiiskii afarta qodob ahaa ee shalay labada dhinac kala saxiixdeen ka dib markii ay maata barqadii dagaal bareer ah soo qaadeen ayna madaafiic kusoo garaaceen Magaalada Gaalkacyo,
Shaly intii wadahadalka lagusaxiixayay heshiiska ay socdeen ayay xitaa madaafiic soo rideen.

Ergooyinkii Wadahadalada u joogay Gaalkacyo oo wali Gaalkacyo ku sugan ayay Madaafiic kusoo gareeceen Magaalada, Dowlada Puntland ayaa durba wargalisay Ergooyinka oo iyana indhohooda ku arkey cida Qaska Wada.

Sida Puntlandi kasoo xigtey Mid kamid ah Ergada Waxaa arintaan aad uga caroodey Dowlada beesha caalamka iyo Ergooyinkii kale ee waanwaanta waxka wadey.

Ergada Beeesha Caalamka ayaa iyana magaaladu ku sugan oo waxaa qorsheysnaa in Galabta lasoo gabagabeeyo wadahadalkii, Ergada Beesha caalamku waxay indhohooda ku arkeen cida Gaalkacyo nabad darada ka wada iyadoo shalay la wada saxiixey heshiis xabad joojin ah ayaa Ciidanka Cabdikariin Xuseen Guuleed waxay maanta bilaabeen Dagaalka maanta socda.

Wararka kale ee Puntlandi ka helayo wadahadalkii shalay ayaa sheegaya in dhinaca Galmudug ay saluugsanaayeen heshiiska.

Hada waxaa socda Dagaal ka socda koonfurta magaalada.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles