Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo Sawirada Wasiirka Cadaalada ee Puntland oo la kulmay Jaaliyada Denmark

$
0
0

Wasiirka Cadaalada Puntland Mudane Saalax xabiib jaamac oo maalmahaan howlo shaqo ku joogay Magaalada Copenhegan ee Caasimada Denmark ayaa caawa oo axad ah 29.11.2015 wuxuu kulan la qaatay Jaaliyada Puntland ee Denmark kulankasoo ka dhacay Caasimada labaad Aarhus.

Wasiirka ayaa Jaaliyada wuxuu uga warbixiyey Xaalada guud ee Dalka Soomaaliya isagoo si gaarana uga warbixiyey guud ahaan Puntland iyo waliba wasaaradiisa Cadaalada Adeegyadeeda ay Bulshada u qabato.

Mudane Saalax Xabiib ayaa Jaaliyada wuxuu ku booriyey iney ka faa’iideystaan Dalka ay joogaan isagoo si gaara u taabtay in Caruurta lagu ababiyo Diinta iyo Soomaslinimada, Wuxuuna yiri “Dalkii hadaan idiin ka waramay anoo jaaniska ka faa’iideysanaya aan talo yar idin siiyo Caruurtiina bara Diinta Islaamka iyo Soomaalinimada, Hadeydaan awoodin labadooda Diinta bara”

Xaflada Soo dhaweynta Wasiirka oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Puntland ee Waqooyoga Denmark ayaa waxaa Wasiirka Xaflada kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyada Saciid Daahir Dhimbil oo Wasiirka warbixin guud kasiiyey Dalka Denmark iyo Jaaliyada Puntland ee Denmark ku nool iyo waliba xiriirka ay la leeyihiin Puntland oo ah mid ka warqab iyo mid waxqabad.

Screenshot_2015-11-29-23-15-12-1
20151129_180959-2
20151129_16592420151129_165910-120151129_181031-120151129_180959-2

20151129_181024Screenshot_2015-11-29-23-18-30-1
Screenshot_2015-11-29-23-14-51-1

Screenshot_2015-11-29-23-16-41-1 Screenshot_2015-11-29-23-18-01-1Screenshot_2015-11-29-23-18-30-1Screenshot_2015-11-29-23-17-34-1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles