Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wararkii ugu dambeeyey Gaalkacyo iyo Xaalada oo hada degan

$
0
0

breaking News from PuntlandKadib Dagaal saaka ka bilowdey Gudaha koonfureed ee Gaalkacyo hada Xaaladu way degan tahay guud ahaan.

Wax khasaare ah oo lasheego shacabka labada dhinacba masoo gaarin aan ka ahayn dad dhawacmey oo aan badneyn.

Ciidan ka tirsan kuwa Puntland ayaa duhirnimadii gudaha u galay Xaafada Baraxle kuwasoo hada uga baxay dhinaca Koonfureed.

Xaafada Garsoor cirifkeeda Koonfureed waxaa mudo kooban ku sugnaa Maleeshiyadii lagasoo saarey Baraxley hadase way isaga carareen oo Xoogbaa looga saarey.

Xabado goosgoos ah ayaa hada laga maqlayaa baadiyaha Koonfureed ee Magaalada, maqalka xabaduna wuu sii fogaaneyaa oo waxaa muuqata in Maleeshoyaadkii Weerarka soo qaadey saaka aad looga fogeeyey Magaalada.

Sargaal goor dhaweyd la hadley Puntlandi wuxuu sheegay in Ciidanku ay difaac ka xirteen meel ka fog magaalada meeshaasoo aysan Maleeshiyaadku awoodin iney hoobiyaal ugasoo ridaan Magaalada, Masaafo dheer baan joognaa buu yiri oo Gaalkacyo iyo waliba Xaafada Baraxley hada amaankoodu waa degan yahay.

Wafdi la socdey Raysal wasaaraha oo Garowe uu uga tagay uuna hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Sheikh Cali Diini ayaa la filayaa iney goor dhaw soo gaaraan Gaalkacyo.

Wixii soo kprdha lala soco Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles