Inkastoo aysan awal amar ay ku dagaalamaan heysan Ciidanku hada waxaa muuqata iney ciidanku heleen amarkii ay sugayeen waayo qayb ka mid ah Ciidanka Daraawiishta ayaa goordhaweyd howlgal ka fuliyey Cirifka Koonfureed ee Xaafada Garsoor oo goor dhaweyd ay Maleeshiyo si gaadmo ah kusoo galeen.
Maleeshiyaadku wax dhiba uma aysan geysan Shacabka.
Sargaal ka tirsan Dowlada Puntland ayaa Puntlandi u sheegay in goor dhow saxaafada la geyn doono xaafada Garsoor baadiyeheeda Koonfureed oo Ciidanku Saldhig ka sameysteen.
Howlgalkii duhurnimada ay Ciidanku ku galeen gudaha Baraxley wax khasaare ah masoo gaarin shacabka Xaafada Baraxley oo Maleeshiyaadkii banaankey uga baxeen xaafada, Ciidankii galay xasfadana hada banaankay uga baxeen.
Goor dhow ayaa Saxaafada loo yeerayaa si loogucwargaliyo wararka rasmiga ah.
kalasoco Puntlandi.com