Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wararkii ugu dambeeyey ee Gaalkacyo iyo Xaafada Baraxley oo Gabi ahaan laga qaxay

$
0
0

GaalkacyoSaaka oo khamiis ah Deganaansho iyo hadal heyn xoogan oo dhinaca amaanka ah ka dib ayaa laga war helay in Gabi ahaan ay Dadkii Rayidka ahaa isaga baxeen Xaafada Baraxley.

Shacabka Xaafada waxaa argagax galiyey Maleeshiyaad abaabul dagaal wada oo xaafada soo buuxdhaafshey, waxayna shacabku baqdin wayn ka muujiyeen in Maleeshiyaadku ay Maatada ku dhex dagaalamaan ama ay rasaas ka ridaan xasfada dhexdeeda iyagoo dareen san In rasaas loo rido dhinaca Puntland ay awaaqo xumo ka imanayso.

Watiye ku sugan Xaafada oo maalmahaan la shaqaynaya Puntlandi ayaa sheegaya in shacabku ay ka cabsi qabaan Maleeshiyada Xaafada oo aan la aqoon cid ay ka amar qaataan iney Ku dhex dagaalamaan.

Dhinaca kale Gaalkacyo kama jiro walwalka xoogan ee ka jira Xaafada Baraxley ee Koonfureed laakiin shacabka Xaafadaas Xiga ayaa iyana laga dareemayaa dhaqdhaqaaq iyo walwal yar laakiin ilaa hada cidna Giryahooda kama bixin.

Ciidamada Puntland ee ku sugan Koonfurta Magaalada ayaa maalmahaanba heegan isaga jirey Waxayna sheegeen in maatada Xaafada Baraxley ay u xaqdhowrayaan si la mid ah shacabka kale we magaalada balse ay Ciidanku walwal ka qabaan Malershoyada Gabaadka ka dhiganaca Caruurta iyo Haweenka.

Sargaal ka tirsan saraakiisha Ciidanka Puntland oo la hadley Puntlandi oo aan wax ka waydiinay Shacabka ka qaxay Xaafada Baraxley wuxuu ku jawaabay ” Waan dareemi karaa dareenka shacabka, horaan shacabka dhowr jeer ugu digney iney iska fogeeyeen Maleeshoyaadka hubeysan ee Xaafadahooda kasoo ridaya rasaasta, iguma cusba hadii aad shacabku ka baxeen xaafada oo waan dareen sanahay tasaana amaankoodu ku joraa anaga ciidan ahaana noo wanaagsan, waayo shacabkaas iyo kuwa aan Maleeshoyada ka difaacayno waxba iiguma kala duwana.”

Waxaa saaka lasugayaa waxa kasoo baxa kulanka Odoyaasha oo goordhow loo balan san yahay.

Wixii kasoo kordha Gaalkacyo kala soco Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Latest Images

Trending Articles



Latest Images