Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Baarlamaanka Federaalka oo dib uga noqdey eedeyntii ay u jeediyeen Kenya

$
0
0

Sida ay howlwadeenada Puntlandi xog rasmi ah ku heleen Baarlamaanka Federaalka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey Go’aan ay Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood shaaciyeen ee ahaa in Baarlamaanku go’aan ka wada gaareen darbiga Kenya.

Mid kamida Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si hoose ula hadley Puntlandi ayaa yiri “Baarlamaanku wuu ka laabtey Go’aankii lagu eedeynayay Kenya, Dib ayayna Xildhibaanadu isaga arkayaan eedeynta Kenya, waxayna kulmayaan maanta oo Isniin ah 16 Nov.”

Xildhibaan kale oo isna naga codsadey innanaan magacaabin ayaa isna mid taas ka duwan u sheegey Puntlandi oo yiri “Go’aankii dhowrka qodob ahaa oo Xildhibaada qaarkood sheegeen inuu ahaa go’aan kasoo baxay Baarlamaanka,Waxaan idiin sheegayaa go’aankaas waxaa iskala boodey koox Xildhibaano ah oo  awalba Kenya xajiin ka qabay, Mana ahayn go’aan rasmi ah oo Xildhibaanada losoo bandhigey ama ay go’aan ka gaareen, Eedeynta Xuduuda ee Kenya, Baarlamaanku wuu ku balan san yahay iney kawada hadlaan, oo waliba gudi xaqiiqo raadisa ay magacaabaan markaad ka dib , Waa marka gudigu nagusoo war celiyee waxaan ka gaaraynaa Go’aan cad oo ku salaysan Natiijada Gudiga xaqiiqo raadisku noosoo gudbiyaan”.

Sida aan xogta ku helnay maanta ama beri oo talaado ah ayaa Baarlamaanku ka wada hadlayaan kiiskaan ku saabsan Gidaarka Kenya ay ka dhisayso xuduuda Soomaaliya ay la wadaagaan.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles