Dowlada Federaalku waxay yiraahdeen waan soo afjarnay weerarkii saaka lagu qaadey Hotel Suxufi laakiin hada oo ku dhowaad lix saac kasoo wareegtay xabadu way socotaa.
Illo ku dhow Ciidanka Amaanka ayaa Puntlandi u xaqiijiyey in wali ay Hotelka ku jiraan Maleeshiyaadka Al-shabaab halkaasna ay xabadu ka socoto.
Nabad sugida ayaa saacado ka hor shaaciyey iney soo af jareen weerarka lakiin warkaas wuxuu noqdey mid aan xaqiiq ahayn.
Weerarka ay kooxaha hubeysan ku qaadeen saaka waabarigii Hotel Suxufi ayaa sababay dhimasho ay ku jiraan masuuliyiin sarsare oo uu ka mid ahaa Jeneraal Cabdullaahi Yusuf Dhagabadan oo horey usoo noqdey Taliyaha Ciidanka lugta ee Dowlada Federaalka.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com
www.puntlandi.com.