Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Siilaanyo “Wasiirkii shaqada ka taga Wadanku wuu weyn yahay nin kale baa buuxinaya booska”

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Siilaanyo
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si kulul uga jawaabay Raxan Wasiiradiisa kamid ah oo shalay iscasilay iyagoo ka gadoodsan go’aankii iyo faragalintii uu Siilaanyo ku sameeyey Musharixiinta Xisbiga Kulmiye waa sida ay Wasiirada iscasilay ku sababeeyeen iscasilaadooda.

Madaxweyne Siilaanyo oo Xalay la hadlay Saxaafada ayaa iska fogeeyey eedeynta loo soo jeediyey, wuxuuna fariin u direy Wasiirada icasilay oo uu yiri “Nin walba xor buu u yahay inuu iska tago haduu illa shaqayn karin, Dalku wuu weyn yahay Dadkuna waa badan yahay oo nin walba nin uun baa badalaya”.

Shalay oo isniin ah ayaa waxaa iscasiley tobonerye ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Wasiirka arimaha Dibada, Kan Waxbarashada iyo kan Madaxtooyada ka dib markii buuq ka dhashay Musharaxa u sharaxnaan doona jagada Madaxweybaha Xisbiga Kulmiye ee talada haya.

Puntlandi.com
Hargeysa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles