Warbixintii ay shalay soo bandhigeen Kooxda Indha ku heynta Soomaaliya iyo Erriteria Monitoring Groupe on Somalia ayaa si qodo dheer looga hadley Xaalada Musuqmaasuq ee Soomaaliya guud ahaan.
Dowlada Federaalka ayaa lagu tilmaamey kuwo dhac, Boob iyo Siyaasad la’aan ku sifoobey.
Hantida Qaranka iyo Mushaaraadka Ciidanka ayaa la boobey, Safaarada Kenya xiligii uu heystay Cali Amerika waxaa jeebka la gashadey nus malyan doollar waa mudo bilo ah oo qura.
Dhamaan heshiisyada ay Xukuumada Xasan Sheikh la gashay Shirkadaha shisheeye waa sharci daro iyo boob dhaqaale oo jeebka shaqsiyaad galay, Waa sida ku cad Warbixinta.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka jiraan Shatiyo been abuur ah oo lasiiyo Shirkado kaluumeysi oo Shisheeye.
HALKAAN HOOSE RIIX SI AAD U KHRISATO WARBIXINTA
N1528750-1