Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

AMISOM oo go’aamisay in Shorka Wada tashiga aan lagu qaban Villa Soomaaliya amaanka dartiis

$
0
0

Shirwaynaha Wadatashiga Soomaaliya ee shalay (Axad 19 Okt.) ka furmay Xarunta Beesha Caalamka ee Xalane ayaa markii hore qorshuhu wuxuu ahaa inuu ka dhaco Villa Soomaaliya iyadoo xitaa Villa Soomaaliya todobaad ka hor laga diyaariyey hoolka Shirku ka dhici laa.

Qarixii 21 Septemar ka dhacay Duleedka Villa Soomaaliya ee lala beegsadey Masuuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey xili uu Villa Soomaaliya ka socdey Shir hordhac u ahaa shirweynahaan ayuu wuxuu sababay in Ciidamada Amisom ay sheegaan in Villa Soomaaliya aan lagu qaban karin shirka.

Wadatashi ka dib waxaa la isla gartey in shirka lagu qabto Xalane oo ay marti galiyaan Beesha Caalamku iyaguna Amaanka shirka gacanta ku hayaan.

Sida Puntlandi xogta ku helay Dowlada Federaalku waxay doonayeen in ay iyagu shirka marti galiyaa oo lagu qabto Villa Somaaliya, Laakiin waxaa arintaa hor istaagay Taliska Amisom oo sheegey in amaanka awgiis aan shirka lagu qaban karin Villada.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles