Magaalada Brusselse ee Caasimada Midowga Yurub ayaa waxaa ka furmaya Shir caalami ah oo looga hadlayo sidii Soomaaliya loogu celin lahas in ka badan 2 milyan oo Qaxooti Soomaaliyeed ah kuwasoo ku nool Wadamada Dariska la ah Soomaaliya.
Ajandaha Shirkaan waxaa ugu weyn u gogol xaarid Shirweyne dhaqaale loogu ururinayo sidii Qaxootigaas ugu laaban lahaayeen Soomaaliya, Waxaa Sidaas Puntlandi u sheegey Sargaal ka tirsan Hay’ada Qaxootiga Aduunka.
Shirka bishaan Oktoobar 21 keeda ka dhici doona Brusselse Waxaa wada jir u daadihinaya Ha’yada Qaxootiga Aduunka UNHCR iyo Midowga Yurub,Waana heer Wasiiro.
Waxaala lagu Casumay Wadamada Kenya, Jabuuti, Itoobiya , Ugandha iyo Haydaha Aduunka ee Qaabilsan Qaxootiga.
Sida Puntlandi Xog hoose ku helay Waxaa Wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya Shirka hogaamin doona Raysal wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake.
Shirkaan waxaa loogu gogol xaarayaa Shirweyne lagu casumi doono deeq bixiyaasha si lacag loogu weydiiyo Dib u celinta Qaxootigaas Soomaaliyeed, Lama sheegin meesha uu ka dhici doono, wuxuuse dhacayaa Bilowga Novembar sanadkaan.
Puntlandi.com
Brusselse