Heshiis Adis ababa ku dhexmaray Jubbaland iyo Dowlada Federaalka,ayaa Ururka IGAD wuxuu u xilsaaraa dhinaca Farsamada Heshiiskaas iyo indho ku heynta socodsiinta heshiiskaas, iyagaana laga sugayay iney soo jeediyaan in Jubbaland ay buuxisay sharuudihii lagu galiyey kumeelgaarnimada iyo Xiliga ay ka baxayaan.
Hadaba Kadib Caleemasaarkii Madaxweyne Axmed Madoobe waxay IGAD soo gudbiyeen Documentiskii ay ku cadeynayeen in Jubbaland ay buuxisay sharuudihii oo dhan, sidaas awgeed ay ka baxeen Kumeelgaarnimadii, Waxaana Documentaskaas laga rabay iney Dowlada Federaalku saxiixdo, markaasna Jubbaland ay noqoto maamul rasmi ah.
Dhowr jeer oo hore ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka caga jiidey saxiixa dukumantigaas, balantuna waxay ahayd in shirkaan hada kasocda Muqdisho looga dhawaaqo in Jubbaland ay ka baxdey Kumerlgaarnimadii .
Laakiin Kulamadii gooni goonida ahaa ee maanta ayaa waxaa Madaxweyne Xasan Sheikh kasoo yeeray hadal aysan Jubbaland ka fileyn oo ahaa “Hadaad rabtaan inaad ka baxdaan Kumeelgaarnimada Aqoonsada Cabdikariim Xiseen Guuleed” arintaasina aad ula yaabay weftigii ka socday Jubbaland
Sida ay Puntlandi kasoo xigteen Xubin ka tirsan Wafdiga Jubbaland, Wuxuu noo sheegay in Jubbaland ay aqoonsiga uga baahneyd IGAD oo qura, iyagana ay ka heystaan, Igad hadey Saxiixa Xasan Sheikh rabaan ilama ahan iney saacad ku qaadaneyso, ee ku sharfid isaga lagu sharfayo bay ahayd taasna ma uusan garan.”
Puntlandi.com
Muqdisho