Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Gaas oo isugu yeerey Xildhibaanada Federaalka ee kasoo jeeda Puntland

$
0
0

Kadib markii uu hakad galay shirkii Wada tashiga ee Qaybaha Soomaalida uga socdey Muqdisho ayaa Madaxweyne Gaas wuxuu isugu yeeray Xildhibaanada Puntland ee ku jira Baarlamaanka Federaalka, kulankasoo ah wada tashi.

Shirka wada tashiga ayaa maanta hakad galay kadib markii Puntland ay ku adkeysteen in aan laga wada hadli karin Mustaqbalka ilaa la xaliyo Khilaafka jira hada iyo in lagu dhaqmo Dastuurkii rasmiga ahaa ee KMG ahaa inta afti dadweyne loo qaadayo, iyo In maamulada aan buuxin Sharuudaha Dastuuriga ah ay hoos yimaadaan Dowlada Federaalka ah oo ay hada gadaal ka fariistaan Madaxweynaha ama Raysal wasaaraha.

Waxaa kaloo shirka hakad galiyey kadib markii Madaxwryne Xasan Shiekh uu ka caga jiidey inuu Jubbaland u aqoonsado Maamul ka baxay Kumeelgaarnimadii.

Hada waxaa lagu kala maqan yahay wada tashi iyo shirar gooni gooni ah.

Madaxweyne Gaas wuxuu isugu yeeray Xildhibaanada Federaalka ee kasoo jeeda Puntland, Kulankaasoo ah wada tashi.

Beesha Caalamka

Beesha Caalamka oo shalay isu keentey Masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo jeedsheen shalay in Soomaalidu wada hadlaan maanta oo Axad ah iyo Xalay ayna kawada hadlaan Mustaqbalka hiigsiga 2016 kadibna go’aan mideysan ay ula yimaadaan

Laakiin taasi ma dhicin hadana arintu way cakiran tahay waxayna Beesha Caalamku sugayasn go’aanka kama dambeysta ah ee Qaybaha Soomaalidu wada gaaraan.

Beesha Caalamku ilaa hada wax fara galin ah kumasoo sameyn laakiin sidii caada ahaan jirtay hadii xaalku saan kusii socdo oo wax natiijo ah soo bixi waydo waxaa imaanaya faragalin ay samayn doonaan Beesha Caalamku.

Kulankii Shalay ay Beesha Caalamku joogeen waxay Puntland sheegeen in dhankooda ay waxwalba ku xiran yihiin wixii lagu heshiiyey iyo Dastuurka oo la raaco taasna ay tahay wadada fiyow ee lagu dhameystiri karo Hiigsiga 2016, Arintaasna Beesha Caalamku way u riyaaqeen.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles