Agaasimaha Guud ee Dowlda Puntland u qaabilsan Qurba joogta Mudane Cumar Shire Maxamed oo iminka ku sugan Magaalada Oslo ee Dalka Norway ayaa Puntlandi wuxuu uga waramey ujeedka Safarkiisa iyo Waxyaabaha u qabsoomey, Agaasimahu wuxuu sheegey inuu safarkiisu ku saabsanaa isku xirka Jaaliyadaha uuna lasoo kulmey Jaaliyadaha Uk, Finland, Denmark iyo Norway oo uu hada maalmo joogo.
Agaasimuhu wuxuu tilmaamey in safarkiisa ay ugu wayneyd u kuur galida Jaaliyadaha, wuxuu sheegey inuu ugu yimid Jaaliyadaha sidii ay suuragal u noqon lahayd sidey Jaaliyaduhu uga faa’deysan lahaayeen Dalkii iyo sidii iyaga iyo Dowladu isu kaashan lahaayeen, Wuxuu tilmaamey iney jiraan Dad ku gabanaya magaca Jaaliyadaha oo sidii NGO-yo u shaqaysanaya, kuwasoo haboon in laka saaro iyaga iyo Jaaliyada rasmiga ah.
Mar aan waxka waydiiney Shirka Qurba joogta ee ka dhici doona Garowe oo gogashiisa uu dhigey Madaxweyne Gaas wuxuu Yiri “Shirku wuu dhacayaa , qaban qaabadiisaa socotaa dib ayaan kasoo sheegeynaa qaabka uu u dhacayo, waana waxyaabaha aan hada degdega ugu noqonayo Garowe .”
Hoos ka dhagayso Waraysiga oo buuxa
www.puntlandi.com.