Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Faroole oo wali kulamo muhiim ah uga socdaan Nairobi iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya oo casumaad rasmi ah u sameeyey Dr. Faroole

$
0
0

Nairobi 30 Aug. 2013–Pi– IyadooWafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole ay tan iyo Isniintii ku suganaayeen Nairobi, kulamo kala gadisana ay la qaateen Beesha Caalamka ayaa hadana Madaxweynuhu wuxuu Axada u duulayaa Dalka Itoobiya halkaasoo uu casumaad rasmi ah ka heley Raysal wasaaraha Itoobiya.

Madaxweyne Faroole oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadku waxay Isniintii,Talaadadii, Arbacadii iyo khamiistii shalay ahayd ay kulamo badan la qaateen beesha caalamka, Wasiirku xigeenka Arimaha Dibada Talyaaniga ay la kulmneen laba jeer oo kala gadisan, waxay kaloo la kulmeen in ka badan 25 Safiir, kulamada ayaa inta badan looga hadlayay Xaalada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynuhu waxay Axada soo gabagabeynayaan booqashadooda Nairobi, waxayna u duulayaan Dalka Itoobiya waxaana casumay Raysal Wasaaraha Itoobiya.

Sawiro ka mid ah kulamadii Nairobi hoos ka daawo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles