Doorashadda duqa degmada Garowe iyo ku xigeenkiisa ayaa saaka oo Khamiis ah si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Musharixiinta ayaa furitaanka shirka jeediyay Khudbadahooda Waxqabad,waxaana u sharaxan jagada duqa degmada Garowe shan Musharax oo kala ah;
1–Axmed Siciid Geelle(Shoodhe)
2–Cawil Sheekh Xaamud,
3–Xasan Maxamed Ciise “Xasan Goodir”,
4– Suhuur Xaashi Maxamed,
5– Maxamed Jaamac Sooyaan,
Tartanka jagada duqa degmada Garowe ayaa waxaa ka tanaasulay Mushar Mahad Maxamed Gaalaco,taasi oo ka dhigan in shan Musharax oo mid ay tahay haween ay isugu soo hareen tartanka.
Codaynta ayaa iminka la guda galay,waxaana Xildhibaanada Golaha deegaanka Garowe ay ku codaynayaan Sanduuq Quraarad ka samaysan,taasi oo macnaheedu uu yahay in Codayntu ay tahay Qarsoodi.
Doorashadda ayaa ah mid aad uga xiisa badan doorashooyinkii hore ee ka dhacay Garowe,marka loo fiiriyo tartanka iyo dadaalka ay galeen Musharixiinta iyo mar xaladaha kala duwan ee ay soo martay,waxaana arrintan horseed u ah Puntland oo 17-sdano jirsatay iyo Aqoonyahan badan oo doonaya inay mar uun fursad u helaan inay wax ka hogaamiyaan Gobolada Puntland.
Sida ay Puntlandi soo xuuraamiyeen waxaa aad loo hadal hayaa in Gudoomiyaha hada xilka sii haya Axmed Shoodhe uu aad ugu cadcad yahay inuu xilkiisa sii hayo oo isagu guuleysto.
Cawil Shiikh Xaamuud ayaa isna ah ninka labaad ee isna la hadal hayo
Hoos Ka Daawo Sawiro Horudhac ah,akhriste Isha ku hay Warsidaha Puntlandi si aad u hesho wararkii ugu dmabeeyay ee Doorashadda;-
www.puntlandi.com.