Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Guddoomiyaha KMG ah ee Caasimada Puntland oo kusoo biirey Golaha Deegaanka iyo loolan adag oo loogu jiro Qofka noqonaya Gudoomiyaha cusub

$
0
0

Shoodhe-1Gudiga soo xulista Golaha Deegaabka Garowe ayaa shalay waxay soo bandhigeen Xubnaha noqonaya Golaha Deegaanka oo ka kooban 25,waxaana dib loo celiyay laba Xubnood.

Guddoomiyaha Kumeelgaarka ah ee Degmada Garowe Axmed Saciid Geele (Shoodhe) ayaa ka mid ah Xubnaha cusub ee Golaha Deegaanka Caasimada, sida Puntlandi warar hoose ku heleena wuxuu ka mid yahay Musharixiinta u taagan Guddoomiyanimada Degmada Garowe.

Waxaa iyana jira warar aan heleyno oo sheegaya in loolan balaaran loogu jiro cida noqoneysa Gudoomiyaha Degmada tasoo keentay in Xiiso badan loo qabo loolanka ka dhexeeya Xubnaha Sharaxan.

Musharixiinta ugu tunka wayn ilaa hada waa sadex Musharax oo mid walbaa uu ku talo jiro inuu noqdo kan ku guuleysta jagada.

Maalmaha soo socda ayaa Puntlandi diirada saaraya Doorashada Gudoomiyaha Caasimada Puntland oo mudo shan maalin ka yar ka harsan tahay.

Waxaana idiin soo gudbineynaa Musharixiinta ugu cadcad Doorashada.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles