Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xog hoose– Danjire Maxamed Cali Amerika oo u sharaxan Madaxweynaha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

$
0
0

AmerikaWarar hoose oo ay howlwadeenada Puntlandi ka heleen Dad aad ugu dhow Danjire Maxamed Cali Amerika ayaa sheegaya in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka loo sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo xitaa laga yaabo in Gobolo kale kusoo biiraan maamulkaas marka la sameeyo.

Inkastoo uusan wali si rasmi ah u shaacin Ambasador Amerika mustaqbalkiisa siyaasadeed iyo Damiciisa hadana wararka ay Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in uu yahay Musharax u tartami doono Madaxweynaha Maamulkaas.

Maxamed Cali Amerika oo ahaa in mudo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafey wuxuu lasoo kulmey Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku nool wadamo ka mid ah Waqooyiga Amerika iyo Yurub, Kadibna wuxuu booqdey Jubbaland iyo Puntland, hadana wuxuu ku sugan yahay Gobolka Galgaduud caasimadiisa Dhuusamareeb.

Waxaa iyana jira Warar sheegaya in Ambasadorka loo diidey inuu booqdo Gobolka Hiiraan todobaadkaan.

Puntlandi.com
Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles