Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo iminka ku sugan Magaalada Gaalkacyo isla markaasna si toosa ula socdey Doorashada Madaxweynaha Jubaland ayaa durba wuxuu u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortey Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Sida Puntlandi ay xogta ku heleen labada Madaxweyne ayaa khadka Teleefoonka kuwada hadlay waxyar ka dib markii ay soo baxdey natiijadii doorashada, wuxuuna Madaxweyne Gaas u hambalyeyey Madaxweyne Madoobe.
Puntlandi.com
Gaalkacyo