Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Magaalada Minneapolis Oo Af-Soomaali Ku Bixinaysa Fasalada Lagu Dhigo Amniga iyo Caafimaadka Cunada

$
0
0

Iyadoo  laga jawaabayo codsiyo ka yimid gudoomiyaha Degmada 6’aad Abdi Warsame sanadkii hore ee la xiriirta fududaynta adeegyada magaalada, Waaxda Caafimaadka Minneapolis ayaa ku dhawaaqday in Afsoomaali ku bixinayso fasallada tababarka ammaanka cuntada. Tani waa fasalkii ugu horeeye ” ServSafe ”  ee la xiriirto ammaanka cuntada oo ku  baxo af-Soomaali guud ahaan dalka Mareekanka.

ServSafe waa mid ka mid ah fasalada faro ku-tiris ee loo aqoonsan yahay tababarka iyo shahaado gudoonsiinta maamulayaasha cuntada. Sharciga Minnesota wuxuu dhigayaa in ugu yaraan hal ruux uu haysto shahaadada tababarka cunada goob waliba oo  cun’no lagu iibiyo.) Gudoomiyaha Degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame ayaa soo dhaweeye fasalada cusub islamarkaana u hambalyeeye ganacsatada Somaalida ee Magaalada Minneapolis.

“ Talaabadaan ayaa ka jawaabaysa codsi nooga yimid ganacsatada Somaalida,” ayuu yiri gudoomiyaha Degmada 6’aad mudane Abdi Warsame.

Hay’adaha kala duwan ee hoosyimaada maamulka magaalada Minneapolis sida booliska, shati bixiyaasha, qorshaynta iyo waaxda xuquuqda aa’danaha ayaa bilaabay in barnaamijyadooda ay ku baahiyaan afka Somaaliga iyagoo kaa’shanaayo waaxda xiriirka bulshada.

“Waxaynu ka shaqaynay in adeegyada magaalada loo sahlo dadka afka Somaaliga ku hadlo, islamarkaana xiriir lala dhiso jaaliyada Somaalida,” ayuu yiri Mudane Abdi Warsame oo ah shaqsigii ugu horeeye Somaali loo doorto gudoomiye degmo – dalka Mareekanka.

Puntlandi.com
post@puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles