Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Shir albaabadu u xiran yihiin oo u socda Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Axmed Madoobe

$
0
0

Waxaa Madaxtooyada Jubaland ka socda shir albaabadu u xiran yihiin oo u dhexeeya labada Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe, kulankasoo Madaxweyne Xasan uu doonayo inuu Madaxweyne Axmed Madoobe uga dhaadhiciyo inuu ka soo qayb galo kulanka 29 luuliya ka dhici doona Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa iyana Madaxtooyada ku sugan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlada Jubaland.

Madaxweyne Xasan oo caawa u hoyanaya Kismaayo ayaa wakhtiga uga faa’iideysanaya inuu Madaxweyne Axmed Madoobe iskusoo dhowadaan uuna kala qayb galo shirka Muqdisho taas badalkeedana ay Dowlada Federaalku aqoonsan doonto Baarlamaanka Jubaland isla markaasna Dowlada Federaalku ay bixineyso mushaarkooda Sanadka soo socda oo dhan, waxaa sidaas warka ku helay Puntlandi.

Wixii kaloo soo kordha kala soco Pi.

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles