Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh iyo Safiirada Beesha Caalamka ayaa soo garay Kismaayo si ay Madaxweyne Axmed Madoobe uga dhaadhiciyaan inuu kasoo qayb galo shirka 29 bishaan ka furmaya Muqdisho.
Madaxweyne Xasan ayaa soo kaxaystey Safiirada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya si ay isugu dayaan in Madaxweyne Axmed Madoobe looga dhaadhiciyi ka qayb galka Shirka Muqdisho oo ay horey wada jir u diideen Puntland iyo Jubaland.
Madaxweynaha ayaa waji gabax kala kulmey Beesha Caalamka ee qaban qaabineysay shirka ka dib markii Puntland iyo Jubaland ay qaadeceen ka qayb galka shirka tasoo uu hada isugu dayayo inuu isku badbaadsho bal inuu Madaxweyne Axmed Madoobe ka dhaadhiciyo ka noqoshada go’aankii hore.
Hadii Axmed Madoobe ku adkeysto go’aankiisii hore wuxuu Xasan Sheikh kula noqonayaa Muqdisho niyad jab weyn iyo shirka oo meeqaamkiisu hoos u dhici doono.
Puntlandi
Kismaayo