Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin dheeri ah:-Shirka Sadddex geesoodka ee Garowe iyo Guddoonka Baarlamaanka Puntland oo kusoo biiray

$
0
0

shirka garowe
Wararka ay hawlwadeenada Warsidaha Puntlandi ka helayaan illo aad ugu dhow kulanka Garowe uga socda Ra’iisul Wasaare Sharmaarke,Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ”Gaas” iyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta galinkii hore wuxuu ahaa mid la isku mari waayay.

Puntlandi ayaa ogaadaya n in Madaxweynaha Puntland Cabdiwali uu ka biya diidey Sharaxaadii uu Ra’iisul wasaaruhu ka bixiyey Sababaha Dastuurka loogu xad gudbey iyo sababta keentey in si bareer ah ay Xukuumadiisu u baalmartey nidaamka iyo qodobada Dastuuriga ah ee qeexaya Maamul u sameynta Gobolada.

Wararka kale ee aan heleyno waxay Sheegayaan in Galinkii hore kulanku uu ahaa mid aad u adag oo hadalo kulul la isdhaafsadey, in kastoo wakhtiga badankiisa uu Ra’iisul wasaaruhu sharaxayay Qodobadii la waydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo.

Maanta duhurkii Duhurkii waxaa kulanka kusoo biirey Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Mudane Saciid Xasan Shire.

Kulanku wali wuxuu u dhexeeyaa oo qura Saddexdaan Ma’suul iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo afreeyey, Wasiirka Dastuurka ee Dowlada Federaalku wali kulanka boos lagama siin.

Faahfaahin kale iyo wixii xog ah kala soco Warsidaha Puntlandi.com.

Puntlandi.com,Garowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles