Tan iyo markii ay sanadkii hore dowlada Kenya ay hirgalisay Caamis la galiyey Askarta iyo Booliska ayaa Caymisku wuxuu magdhowgii u horeeyey siiyey qaar ka mid ah Qoysas ay Nimankoodii uga dhinteen dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab.
Magdhowga uu Caymisku bixiyey ayaa wuxuu gaarayaa Aduun dhan 600 milyan, waana kiiskii ugu horeeyey, ugu yaraan 124 kiis oo kale ayaa Caymisku gacanta ku hayaa.
Corporal Tonui oo ku dhintey weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Jamacada Garisa oo ka mid ahaa Saraakishii hogaaminayay Ciidanka ayaa kamid ah Dadka Magdhowga laga bixiyey.
Caamiska Pioneer Insurance oo ah caamis si lhaasa looleeyahay isla markaasna ahaa caamiskii ku guuleystey qandaraaska La cayminayo Ciidanka Dowlada ayaa bixiyey magdhowgaan.
Puntlandi.com
Nairobi