Adia ababa–26 Ogoosto,2013–Pi– Ka dib markii ay maantana quus kala istaageen Ergooyinkii Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka ayaa hada waxaa IGAD iyo Beesha Caalamku Shir deg deg ah uga bilowdey Adis Ababa, waxayna Ergooyinka Soomaalida u sheegeen iney sugaan Go’aanka ka soo baxa shirkaas.
Kulankaan ay yeelanayaan IGAD iyo wakiilada Beesha Caalamka ee ka qayb galayay wada hadalka ayaa u muuqda mid go’aan ay ka qaadanayaan Ergooyinka Soomaalida oo lix maalmood isku jiid jiidayay wadahadal aan ilaamhada wax natiijo ah dhalin.
Laba jeer oo go’aan iyo is afgarad lawada gaaray waxaa cagta mariyey Dowlada Federaalka ah taasoo ka xanaajisey Beesha Caalamka, iyadoo labadaas jeer uu mid kamid ah Madaxweyne Xasan Sheikh si toosa uga dambeeyey in ay Ergada Dowladu ka noqdaan heshiis lawada gaaray.
puntlandi.com
Adis ababa