Inaa Lilaahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun,Kulli Nafsin Daaiqatul Mowt.
Waxa Maanta Degmada Carmo ee Gobolka Bari ku Geeriyooday Alla How Naxariistee Marxuum Xaaji Maxamed Raage oo ka mid ahaa Ganacsatada Puntland.
Marxuum Xaaji Maxamed Raage Waxa uu ka mid ahaa Ganacsatada Puntland ee Hal Bowlaha u ahaa Ganacsiga,Waxa uuna.
Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Puntlandi waxay ka tacsiyeynayaan geerida Marxuumka, Waxaana si gaara Tacsi ugu direynaa Wasiirkii hore ee Dekadaha Saciid Maxamed Raage geerida ku timid Aabihiis oo ah Marxuumka.
Sidoo Kale Marxuum Xaaji Maxamed Raage Waxa uu ahaa Ehlu Cidaabada Taqwe iyo Alla Ka Cabsi Badan,Afgaaban Sulxi iyo Nabada Jecel.
Waxa kaloo Tacsi Tiiraanyo Leh nasoo Gaarsiiyey, una Diraya Qoyskii Marxuumku ka Geeriyooday Siyaasiyiinta,Saraakiisha iyo Dhakhaatiirta Kala Ah:-
1-Xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Xasan(Jurille) Dowlada Federaalka Soomaaliya.
2-Xildhibaan Cabdillaahi Bille Nuur ahna Wasiirudowlaha Waxbarashada Dowlada Federaalka Soomaaliya.
3-Ex.Wasiir Xigeenkii Hore ee Cadaalada Puntland Cabdulqaadir Yusuf Daahir.
4-Coll.Cumar Maxamed Xuseen(Cumar Afcase) Saraakiishii Hore ee Ciidanka Badda Dowladii Maxamed Siyaad Barre iyo Weliba Safiir.
5-Gen.Cismaan Maxamed Samantar(Gen.Cismaan Fatiig) Saraakiishii Hore ee Ciidanka Difaaca Soomaaliya ee Dowladii Maxamed Siyaad Barre.
6-Maxamed Siciid Shabeelle(Bocool) Duqa Cusub ee Degmada Bosaaso.
8-Cumar Ismaaciil Waaberi Gudoomiyihii Xisbiga Horcad.
7-Dr.Cismaan Cabdi Maxamuud(Dr.Passsenger).
9-Dr.Axmed Bulxan.
Waxay Siyaasiyiinta ,Saraakiisha iyo Dhakhaatiirtu Kor ku Xusan Marxuumka alle uga Baryayaan in uu Janadii Fardowsa geeyo,Qoyskii,Eheladii iyo Asxaabtii uu ka Geeriyoodayna gaar ahaan Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dekedaha Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage in uu Samir iyo Iimaan ka wada Siiyo,ilaahow u Naxariiso Aamiin Aamiin Aamiin.